crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masaajidda guur-guura oo soo jiidanaya indhaha dalal badan oo aan Muslimiin aheyn! | HimiloNetwork

Masaajidda guur-guura oo soo jiidanaya indhaha dalal badan oo aan Muslimiin aheyn!

Tokyo (Himilonetwork) – “Masaajidda Wareega waxaa loo arkaa lama huraan halkan gudaha Japan,” ayuu yiri Yasuharu Inoue, oo ah madaxa guddiga kaas oo adduun dhan US$88 ku hir-geliyay fikradda masjidkan.
Masjidka wuxuu leeyahay dhammaan agabyada lama huraanka u ah masaajidda sida biyaha lagu weyseysto, musqulo, codbaahiyaal, masallayaal lagu tukado iyo wixii la halmaala.
“Hadda masaajiddani waxay soo jiidanayaan indhaha 45 dal oo ay ku nool Muslimiinta adduunka iyo sidoo kale tartamada heerka caalami sida Olombikada oo doonaya inay kusoo dhaweeyaan taageerayaasha Muslimiinta ah ee ka qeyb-galaya ban-dhigyadooda,” ayuu intaas kusii daray.
Guddiga sal-dhigoodu yahay Tokyo waxay hadda qorsheynayaan hir-gelinta mid kale kaas oo ku yimid baahida loo qabo in lagu daboolo tartanka Olombikada oo Japan ka dhici doona sannadka 2020-ka.
Masjidkan afarta lugood leh, oo meel walba aadi kara, waxaa loo hidisay in lagu daboolo baahida tartamada caalamiga ah kuwaas oo Japan lagu qabto mararka qaar.
“Japan waxaa ku yar masaajidda, marka waxaan rabnaa inaan abuurno jawi qofka Muslimka ah u sahlaya inuu shaqadiisa ku dhex wato cibaadadiisa,” ayuu yiri.
Waxaa la qorsheynayaa inuu ka howl-galo meelaha aan laga heli Karin musqulo iyo qolal lagu tukado si Muslimiinta joogta halkaas loogu sahlo inaysan lumin waajibaadka rabaaniga ah.
Gaariga sida Masjidka wuxuu dherer la’eg yahay 12 mitir; wuxuuna fidsan yahay balac dhan 2.5 mitir marka uu jidka ku soconayo. Marka uu helo meel uu ku baakinto, wuxuu isku fidiyaa dhinacyada ilaa lix mitir.
Qolka lagu dukado ee masjidka wuxuu dheer yahay 48 mitir oo wareeg ah halkaas oo mar qura ay ku dukan karaan dad gaaraya 50 qof. Waxaana uu geesta kale leeyahay tubooyinka loogu tala-galay in laga weyso qaato.
Muslimiinta Japan waxaa lagu qiyasaa inay dhan yihiin 185,000, marka loo eego Waaxda Diimaha ee Pew Research.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!