Moscow (Himilonetwork) – Kadib iska indha-tirka warqadda qaan-sheegadka ah ee guriga loogu keenay marar badan, shirkad ku taalla dalka Ruushka ayaa la timid tallaab cajiib ah oo ay ku heli karaan deyntooda ka maqan – waxay boor weyn oo la hor dhigay aqalkiisa ku qoreen inuu qaanta lagu leeyahay iska bixiyo.
Shirkadda Samara Utility Systems Ltd waxay muddo badan isku dayaysay inay deynteeda ka hesho qof aan la magacaabin oo ku nool xaafadda Zubchaninovka oo ay ku lahaayeen adduun dhan 50,000 ruble ($810). Shirkaddu waxay u dirtay farriimo badan oo loogu sheegayo inuu iska bixiyo deynta lagu leeyahay. Waxayna sidoo kale kula xiriireen qaab tilifoon. Balse waxba kama soo naasa-caddaan.
Waana markaas kolkii ay timid fikradda ah in gurigiisa hortiisa la dhigo boor lagu qoray ereyo bahdilaad ah oo loogu yeerayo inuu iska bixiyo lacagta lagu leeyahay.
Shaqaalaha shikradda ayaa tallaabtan wadajir uga qeyb noqday taas oo markii ay kasoo jeesteen kaddib dadka xaafadda iyo ehelka ninkan ay la yaab ku noqotay sababta uusan iskugu xil-qaamin bixinta deynta lagu heysto.
Ereyada lagu qoray boorka waxaa kamid ahaa: ‘halkan waxaa ku nool qof deyn lagu leeyahay,’ iyo ‘waa inaad iska bixisaa lacagta.’
Shirkaddu waxay ku han weyneyd in tallaabtan uu wax ku qaadan doono ninka deyntooda la maqan.
Markii uu arkay boorka gurigiisa hor yaalla, wuxuu ninkani isku dayay inuu shirkadda ka dhaadhiciyo sababta uu lacagtooda u bixin la’yahay. Balse taasi ma noqon mid laga aqbalay.
Ugu danbeyntii, markii uu garowsaday in jaarkiisa iyo qolyaha saxaafadda ay warkiisa meelaha la warwareegayaan – iyaga oo sawirro ka qaadanaya – wuxuu go’aansaday inuu iska bixiyo lacagtaas ku maqan si boorka looga hor wareejiyo.
Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in – mar allaale – marka lacagtooda ay helaan ay boorka ka hor qaadi doonaan gurigiisa. Waxay tilmaantay in tallaabtan ay hadda kadib u adeegsan doonaan inay ku helaan lacagaha deynta uga maqan oo lagu adkeeyey.
Rumeyso ama diid, lacagtoodii waa lagu wareejiyay. Ninkiina wuxuu markaas kaddib xor ka noqday deyntii sababtay in gurigiisa la hor keeno boorkii lagu bahdilay.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
You must log in to post a comment.