crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ninkii loogu yeeray Aabihii Daanyeer-duureedka | HimiloNetwork

La kulan – Ninkii loogu yeeray Aabihii Daanyeer-duureedka

Muqdisho (Himilonetwork) – Markii 69-jirka lagu magacaabo Dobrgyal uu bilaabay daryeelka Daanyeer-duureedka ku nool gobalka  Tibet ee dalka Shiinaha, tiradoodu waxay ahayd 40-50. Maanta, 18 sano kaddib, isla goobtaas waxay hoy u tahay tiro lagu qiyaaso 2,800.
Xiriirka Dobrgyal uu la yeeshay Daanyeer-duureedka waxaa lagu micneeyey sheeko jaceyl oo dhex martay ina Aadan iyo xayawaan, taas oo ugu danbeyntii keensatay in loogu yeero Aabihii Daanyeerka. Keyn ilaaliyihii hore ee Tibet, wuxuu subax walba 5 km usoo lugeyn jiray xarunta lagu daryeelo Daanyeerrada si uusan kaliya u quudinin balse sidoo kale u muujiyo jaceyl iyo xushmad.
Mararka wuxuu qaarkood u qaadi jiray gurigiisa si uu u siiyo daryeel iyo xanaano caafimaad.
Mareegta China.org ayaa sheegtay in Dorbrgyal uu sabab u ahaa kororka tirada Daanyeerradan oo 16-kii sano ee lasoo dhaafay uu dadaalkiisu kaalin weyn ka qaatay hubsashada badqabkooda.
Maanta daryeelka noolahan waxaa degta saartay waaxda ilaalida keymaha Shiinaha taas oo daryeelkooda si guud u qaabisha, hayeeshe waa Dorbrgyal midka suura-geliyay tarantooda inay kororto.
20 sanadood oo waqtigiisa ugu badan siiyay daryeelka Daanyeerka, wuxuu walwal ka qabaa caafimaadkiisu inuusan u saamixi doonin la joogistooda.
“Waxaan jirsaday 70 sano,” ayuu yiri. “Noloshayda inta ka harsanna waxaan u halgamayaa daryeelkooda, balse haddii caafimaadkaygu ii diido inaan sii daryeelo, waxaa booskayga ku bedeli doonaa wiilkayga.”
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!