crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax badan ka ogow Gidaarka Naxariista ee Kashmiir. | HimiloNetwork

Wax badan ka ogow Gidaarka Naxariista ee Kashmiir.

MUQDISHO (HN) — Jaakado dhowr ah oo ku waran gidaar ku yaalla caasimadda Kashmiir – tan Hindiya ay maamusho – ee Srinagar ayay indhihiisu qabanayaan Ali Mohammed.
Waa maalin qabow, badi dadka jidadka marayana waxay xiran yihiin dhar culus oo dhaxanta ay kaga ganbadaan.
Mohammed oo hadda ku jira da’diisa 60-jirka, ayaa u dhaqaaqaya dhinaca dhalinyaro agtaagan gidaarka.
“Wiilkaygow, imisa ayaad iibinaysaa jaakadaha,” ayuu su’aalay.
“Adeer, kuwaani iib ma ahan, qof walba oo u baahan ayaase qaadan kara laakiin,” ayaa lagu yiri.
Mohammed ayaa u riyaaqaya weedhaas. “Oo yaa iiga baahi badan?” ayuu ugu war-celinayaa.
Indhihiisa waxaa kusoo istaagaya xoogaa ilin ah. Kaddibna wuxuu bilaabayaa inuu ka sheekeeyo nolosha aan sahlaneyn oo gurigiisa ka jirta.
“Waxaa ii jooga saddex gabdhood mana heysto wax dakhli ah oo aan nolol ahaan ku maareeyo. Waxaan ahay sabool.”
Mohammed kaddibna wuxuu la baxayaa hal jaakad, kabo iyo arrad-tir kale kahor inta uusan ka dhaqaaqin gidaarka isaga oo dhoolla-caddeynaya.
“Waa tallaab fiican. Ilaahay ajar haka siiyo kuwii noo sameeyey. Dadka aniga oo kale ah ma heystaan lacag ay ku gataan dhar adag xilliyada qaboobaha,” ayuu yiri.
Gidaarka dharka oo ah ol’ole loogu magac-daray ‘Gidaarka Naxariista’ oo ay hir-geliyeen dhalinyaro Kashmiir ku sugan kuwaas oo tallaabadan kaga dayday dalalka Turkiga iyo Iiraan.
“Waxaa jira dad badan oo aan heli karin meel ay lacag la’aan uga helaan dhar ay ka xirtaan xilli qaboobaha,” ayuu yiri Abrar Ali, oo kamid ah aas’aasayaasha. “Markii muuqaallada gidaarka dharku uu ku baahay baraha bulshada, dadku waxay bilaabeen inay kusoo deeqaan wax walba oo ay guryaha ku heystaan oo ay is leeyihiin wuu anfici karaa qofka baahan.”
Fikradda Gidaarka Naxariistu wuxuu kusoo beegmay waqtigii uu ku habboonaa. Waayo waxaa lagu jiraa xilliga ugu qabowga badan gudaha Kashmiir. Dad badanna ma heli karaan jaakado ay dhaxanta ka xirtaan.
Marka loo eego warbixin sannadkii 2014-2015 ay QM ka diyaarisay dhaqaalaha Jammu iyo Srinagar, 21.6% dadka reer Kashmiir waxay ku nool yihiin faqri miiran. In badan ayaan iibsan karin dhar adag oo ay dhaxanta ka xirtaan.
Guulaha laga arkay Gidaarka Naxariista ayaa sii dhiirri-gelinaya dhalinyaro badan kuwaas oo samafalkan sii anba-qaadaya. Waxaana hadda qorshuhu yahay in lagu baahiyo dhammaan gobalka Kashmiir.
“Waxaan tallaab fiican horay ugu sii qaadeynaa u adeegista insaaniyadda,” ayuu yiri Jasif Mir, oo kamid ah samafalayaasha.

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!