crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Madax-weyne Buhari oo Abaal-gud guddoonsiiyay Imam Magan-gelyo siiyay Masiixiyiin badan. | HimiloNetwork

Madax-weyne Buhari oo Abaal-gud guddoonsiiyay Imam Magan-gelyo siiyay Masiixiyiin badan.

Muqdisho (Himilonetwork) – Madax-weynaha dalka Nigeria,  Muhammadu Buhari ayaa Xaruntiisa ka casuumay 83 jir geesi Imam masjidka ah oo lagu magacaabo Abdullahi Abubakar – lana wadaagay salaan sharafeed kaddibna guddoonsiiyay Abaalmarinta Qaran ee dalka Nigeria.
Go’aanka waxaa la gaaray markii saxaafadda dalkaasi ay daaha uga rogtay sida Imaam Abdullahi uu u magan-geliyay 300 oo Masiixiyiin ah markii weerar lagu soo qaaday xaafadda Nghar Yelwa ee bartamaha dalka Nigeria.
Xoola-dhaqatada Fulani ayaa shaki ay ka qaadeen awgeed ugu duulay 15 beelood oo ku nool Barkin Ladi – iyaga oo dilay tiro badan, sida laga soo xigtay The Punch.
“Waxaan haweenkii ku qariyay aqalkayga, raggiina waxaan la galay Masjidka,” ayuu yiri Imam Abubakar.
Kaddibna Buhari ayaa ugu yeeray gafanarka gobalka Plateau State, Simon Lalong inuu u keeno Imamka.
Nigeria waa dalka saddexaad ee ugu Muslimiinta badan adduunka oo ay ku nool yihiin 200 oo malyan, marka loo eego tira-koob dhawaan-gal ah.
Islaamka ayaa ugu badan qaaradda Afrika siiba dalalka dhaca Galbeedka Afrika.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!