crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xujeyda Induniisiya oo loo sameeyey Application u sahlaya gudasha Xajka. | HimiloNetwork

Xujeyda Induniisiya oo loo sameeyey Application u sahlaya gudasha Xajka.

Jakarta (Himilonetwork) – Wasaaradda Amuuraha Diinta ee dalka Induniisiya ayaa Xujeyda usoo saartay application cusub oo la yiraahdo Tech-savvy kaas oo fududeynaya habka ugu fudud ee Xaajigu ku gaari karo arrimihiisa inta uu ku sugan yahay magaalada Makka.
“Waxaa ku sugan xog muhiim ah oo waliba aad loo faaf-faahiyay,” ayuu u sheegay Arab News, Mastuki oo ah af-hayeenka Wasaaradda.
Xujeyda ayaa application-kani waxay ka dhex heli karaa macluumaadyada ku saabsan hoteellada ay dagayaan, halka iyo sida ay ku safrayaan, xulashada cunnooyinka ay doonayaan iyo kuwa badan, ayuu intaas kusii daray.
Application-kani waxaa hadda laga heli karaa Google Play Store.
Adeegyada kale ee dheeriga ku ah waxaa kamida saadaasha cimilada, xilliyada duullimaadkooda, waqtiyada salaadaha, iyo is-beddelka sarrifka lacagaha qalaad.
Waxaa sidoo kale ku jira isku tarjumidda afafka Induniisiyaan-ka iyo Carabiga iyo aayadaha iyo axaadiiska maalinlaha ee ku quseeya acmaasha gudasha Xajka.
Application-kan waxaa ilaa hadda la degay dad gaaraya 10,000, waxaa laga bixiyay aragtiyo kala duwan oo u badan dhinaca togan.
Xujeydu waxay sidoo kale gudaha application ka dhex gudbin karaan cabashada iyo tabashada ay ka qabaan adeegyada loo fidiyo.
Ku dhawaad 221,000 oo Xujey Induniisiyaan ah ayaa sannad kasta u jiheysta gudashada Xajka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!