Macalin Muslim ah oo Shaqadiisa ku waayay inuu gacan-geliyo ‘salaamo’ Macalimad Ajnabi ah!
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
August 11, 2018
973 Views
Oslo (Himilonetwork) – Macalin Muslim ah kaas oo diiday inuu gacan-geliyo ‘salaamo’ haweeney macalimad la’ ah ayaa laga eryay shaqadiisa taas oo dhalisay dood laba dhinac ka socota – halkaas oo dad badan ay ku tilmaameen ku-xadgudubka xurriyadda caqiidada; qaar kalana bahdil ka dhan ah haweenka.
“Waxaan leenahay xurriyad diimeed gudaha Norwey,” ayuu yiri Akhenaton Oddvar de Leon, oo hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa ka-dhan-ka ah takoorka.
“Qofku wuxuu oran karaa shaqada laftigeeda ayaa xurriyadaada kahor imaan karta, laakiin halkan kama jirto arrintaas.”
Sheekadan ayaa soo shaac baxday markii dugsiga Ekeberg Primary School uu diiday inuu heshiiskiisa u kordhiyo bare kamid ah macalimiinta kaas oo diiday inuu gacan-geliyo haweeney kamid ah shaqaalaha dugsiga.
Marka loo eego Alfheim, macalinkan Muslimka ah wuxuu kol hore ogeysiiyay dugsiga inuu yahay qof diimeed ku dhagan dhaqanka Islaamka kahor inta aan la qaadan.
Macalinka ayaa iska diiday inuu diidmadiisa ku bahdilay haweeneyda, balse uu ku adkeystay Shareecada Islaamka.
Sheekooyinka gacan-gelinta ‘salaamidda’ dadka aan Muslimiinta aheyn iyo Muslimiinta ku nool Skandanavian-ka ayaa sababtay in lab iyo dhedig badan oo Muslimiin ah inay iska diidaan ‘gacan-gelinta’ jinsiga kasoo horjeeda.
Related
2018-08-11
You must log in to post a comment.