crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gudaha Masjidka wacyi-gelinta Maandooriyaha lagu siiyo Dhalinyarada Muslimiinta! | HimiloNetwork

Gudaha Masjidka wacyi-gelinta Maandooriyaha lagu siiyo Dhalinyarada Muslimiinta!

MUQDISHO (HN) – Dadaal la rabo in gunta hoose looga jaro aafada maandooriyaha oo ku dhex faafaya bulshada Muslimiinta ah ayaa ka socda meelo badan oo dunida kamid ah!

Masjidka Faizan-E-Madina ee ku yaalla Peterborough wuxuu dhawaan marti-geliyay barnaamij wacyi-gelin ah oo la xiriira maandooriyaha iyo saameyntiisa taban. Waxaana kasoo qeybgalay dad dhalinyaro u badan.

Dr. Azhar Chaudhry, oo asoo agaasimay barnaamijka ayaa ula-jeedadiisa ku qeexay mid la doonayo in lagu caawiyo qoysaska iyo shaqsiyaadka la daala-dhacaya aafada maandooriyaha si ay u helaan tabo ay uga gudbi karaan xaaladdan mugdiga gelinaysa mustaqbalkooda.

Sida uu ku warramayo Dr. Chaudhry, gaaridda yoolkan iyo la kulanka dad bartilmaameedku yahay ma ahayn mid fudud. Laakiin, iyada oo maanka lagu hayo in masaajiddu yihiin xarumaha ugu fiican barkulannada dadweynaha, waxaa la isla qaatay in masaajidda loo adeegsado meelaha dhalinyarada cuquusha lagu jiheyn karo!

“Mowduucani waa mid lama huraan u ah dhalinyarada iyo qoysaska – in si miyirqabta loo waajahana waa muhiim,” ayuu yiri Dr. Chaudhry. “Waana tallaab horay loogu qaaday dhanka togan iyo mustaqbal taabbagala.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!