HomeDunida MuslimkaBisha Ramadan: 14 milyan ayaa booqatay Masjidka Nabiga

Bisha Ramadan: 14 milyan ayaa booqatay Masjidka Nabiga

MUQDISHO (HN) — In ka badan 14 milyan ayaa booqday Masjidka Nabiga NNKH ee magaalada Madiina taniyo markii ay dhalatay bisha Soonqaad taas oo dhigaysa rikoor cusub taniyo markii la qaaday xayiraadda Covid-19.

Sida laga soo xigtay Saudi Gazette, Madaxa Umuuraha Labada Masaajid – Makka iyo Madiina – ayaa sheegay in Masjidka Nabiga ay soo booqdeen tiro gaaraysa 14,772.46

Warbixinta ayaa intaas ku sii daraysa in in kale oo ka badan 900,000 ay booqdeen Beerta Al-Rawdah Al-Sharifa oo u dhaxaysa Minbarka iyo Qabriga Suubanaha NNKH inta lagu guda-jiray bisha Ramadaan.

Suubanaha NNKH ayaa ka dhisay Masjidkiisa magaalada Madiina markii uu kasoo hayaamay magaalada Makka. Waana masjidka saddexaad ee loo dhiso Islaamka iyo mid kamid ah kuwa ugu waaweyn dunida.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments