crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka London oo maalin walba ‘Quudinaya’ 500 oo Danyar ah. | HimiloNetwork

Masjidka London oo maalin walba ‘Quudinaya’ 500 oo Danyar ah.

MUQDISHO (HN) — Soo nooleynta dhaqankii ahaa wada-afurka bulshada oo aan labadii sannadood ee lasoo dhaafay la qaban, mid kamid ah masaajidda ugu waaweyn qaaradda Yurub wuxuu maalinle u quudinaya ku dhawaad 500 oo qof goor walba oo la gaaro afurka.

Masjidka East London wuxuu cunnooyin bisil gaarsiiyaa nus kumaad dad ah oo kala diimo ah maalin walba, sida laga soo xigtay Arab News.

Wixii kasoo hara deeqdaas cunnooyinka ah, waxaa loogu yaboohaa xarumaha dadka hoy la’aanta ah ay ku nool yihiin si looga hortago israaf la sameeyo bisha Soonqaad.

Cunnooyinka ayaa isugu jira timir, biyo, bariis, hilib iyo wixii la halmaala. Waxaana iska kaashada London Muslim Center iyo Maryam Center.

“Masjidka East London wuxuu sii wadi doonaa gargaarka iyo caawinta dadka danyarta ah iyo kuwa ayaanka liita ee ku dibjira waddooyinka si aan u nooleyno qiyamka insaaniga ee diinteenna Islaamku u taagan tahay,” ayuu yiri Khan.

This image has an empty alt attribute; its file name is 3183276-752678983-1024x682-1.jpg

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!