crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Tartan – Masjid Lacag guddoonsiinaya Carruurta Salaadda Subax Jamaacada la tukata! | HimiloNetwork

Tartan – Masjid Lacag guddoonsiinaya Carruurta Salaadda Subax Jamaacada la tukata!

Muqdisho (Himilonetwork) – Masjid ku yaalla gobalka Al-Beheira ee dalka Masar ayaa ku dhawaaqay tartan lagu dhiirri-gelinayo carruurta inay salaadda Subax kusoo tukadaan masjidka si ay ugu guuleystaan lacag dhan LE 1000 ($55) muddo 40 maalmood ah oo xiriir ah.
“Waa fikrad fiican oo dhiirri-gelinaysa ubadkeenna inay ku tixmaan kusoo tukashada salaadda Subax masaajidda,” ayuu yiri Mona Ahmed, oo kamid ah daganayaasha Damanhour, Al-Beheira.
Mohammed Allam, oo agaasime ka ah guddiga masjidka Nasser ayaa sheegay in samafale uu ku deeqay lacag dhan LE 10,000 si tartanka loogu socodsiiyo.
Hadyadda waxaa la bixin doonaa maalinta Jimcaha, bisha September 11. Diiwaan-gelinta carruurta ka qeyb galeysa tartanka waxaa lasoo af-meeray 5 August.
“Tartankani wuxuu dhallaanka ku dhiiri-gelinaya inay waqtigooda maareeyaan: halkii ay maalintii oo dhan ciyaari lahaayeen; habeenkiina jiif ay ku jiri lahaayeen,” ayuu yiri Muhammad Rihan.
Fatema Abbas ayaa sheegtay inay rajeyneyso in hooyooyinkana loo sameeyo mashruucan oo kale si ay carruurtooda ugu soo tirtirsiiyaan. Salma Ahmed ayaa iyaduna xustay inay muhiim tahay masaajidda kale inay raacaan tusaalahan oo kale.
Fikraddan waxaa markeedii hore laga soo xigtay masjid ku yaalla Istanbul kaas oo hadyado guddoonsiiyay carruur sidaan oo kale tartan loogu qabtay inay salaadda Subax usoo tukadaan Jamaacada.
Waxaana lagu abaal-mariyay baaskiilo iyo hadyado kale.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!