crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Libaaxyo nolosha ku cunay Ugaarsadayaal rabay inay dishaan Wiyil | HimiloNetwork

Libaaxyo nolosha ku cunay Ugaarsadayaal rabay inay dishaan Wiyil

Pretoria (Himilonetwork) – Dalxiisayaal u baxay inay soo arkaan duurjoog ayaa la argagaxay aragtida haraadiga meydad dadeed oo ay ku xoonsan yihiin raxan libaaxyo ah.
Kooxda dalxiisayaal ah oo ku socda goobta safari ayaa u yeeray booliska la dagaallama ugaarsiga si ay u ogeysiiyaan dhacdada. Nick Fox, oo ah milkiilaha safaariga Koofur Afrika ayaa sheegay in qeylo dhaan uu saakay maqlay balse uusan sii tix-raacin.
Si kastaba, isla waqtigaas muusan baarin dhacdada.
Booliska ayaa helay lafaha iyo saddex nuuc oo kabo ah kuwaas oo muujinaya in saddex ugaarsadayaal ah oo doonayay inay dishaan Wiyil ay dhexda ku heleen raxan Libaaxyo ah kuwaas oo goobta ku cunay.
Libaaxyada ayaa nolosha ku cunay saddexda qofood. Caddeynta ah inay doonayeen inay dishaan ugaarta sida Wiyisha waxaa laga ogaaday inay siteen qoryaha nuuca loo adeegsado ugaarsiga xayawaannada waaweyn.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!