crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ragga Lugaha iyo Gacmaha la’ | HimiloNetwork

La kulan – Ragga Lugaha iyo Gacmaha la’

MUQDISHO (HN) — Waa laba isku baahan. Midna waa lugo la’aan; kan kale waa gacmo la’aan. Laakiin sheekadoodu kuma saabsana naafanimadooda. Waxay la xiriirtaa iskaalmayntooda iyo sida cajiibka leh oo ay isku dhammeystirayaan marwalba oo ay wax qabsanayaan.

Faabiyaan waa gacmo laawe aan waxqabsan Karin – Juliusna waa lugo laawe aan socon Karin ama aan gaari Karin meelaha ka korreeya. Waxay u nool yihiin si wadajir ah. Hadafkoodu waa in midkood uu kan kale dhammeystiro maadaama laxaadkooda kala dhiman yahay.

Si maalinle ah ayay isku garab qabtaan laga bilaabo oogta waaberi iyo ilaa gabbal-dhaca. Naafanimaduna ma ahan xaalad ay ku wada dhasheen labaduba. Julius oo lugo la’aan ah wuxuu sheegay inuu yaraantiisa la ciyaari jiray carruurta filkiisa ah – fariidna uu ku ahaa kubadda cagta. Markii uu qaangaaray ayuu xanuun ka dareemay lugaha. Waxaana kolkii uu isbitaalka booqday loo sheegay inuu hayo xanuunka Kansarka. Waxaana la siiyay laba doorasho oo kala ah in la dilo unugyada xubnaha uu kansarku ka hayo ama laga jaro labada lugood. Duruufaha iyo la’aanta adduun uu ku maareyn karo daawada kansarka waxay ku qasabtay inuu aqbalo in labada lugood laga jaro. Waayo waxay ahayd sida kaliya oo uu ku samata-bixi karo.

Aad bay ugu adkeyd markii hore inuu la qabsado nolol lugo la’aan ah. Fogaan dheer ma socon Karin. Wuxuuna ku ekaatay daafaha iyo hareeraha gurigiisa ilaa ay isla kulmeen Faabiyeen. Waana halka uu kasoo bilowday is-beddelka noloshiisa.

Dhiniciisa, Faabiyeen wuxuu sheegay inuu sidoo kale ku dhashay si dhammeys ah. Mana aanu fileyn inuu mar un lumin doono labadiisa gacmood. Shil aad u daran oo uu ku galay mid kamid ah waddooyinka magaalada ayuu kala kulmay dhaawac culus oo kasoo gaaray gacmaha. Sida Julius, in kasta oo uu awoodi karay inuu masaafo dheer socdaalo, haddana ma awoodi jirin inuu wax qabsado ama uu dhacsado dhuuniga nolosha. Wuxuuse aaminsanaa in hadiyo jeer shaqadu tahay midda qura oo uu madax-bannaani iyo samatabax ku heli karo. Mana doorbidi jirin marnaba inuu bannaanada dawarsado.

Kulankii kediska ahaa oo ay maalin is arkeen, waxay ku aqoonsadeen baahida ay isku qabaan iyo sida wadajirkoodu u yahay waddada qura oo ay kaga bixi karaan caalwaaga iyo culeyska qofba gaarkiisa u heysta. Taniyo maalintaas ayayna wada joogaan.

Labaduba hadda waxay u shaqeeyaan si wadajir ah. Waxay ka xoojiyaaan inta badan beeraha iyaga oo limaya ama falaya – kadibna abuurka iyo iniinaha ku ridaya godadka. Marwalba oo ay wada shaqeyntoodu joogto noqoto waxaa kordha wax soo saarkooda. Waxayna iskaga filnaadaan gacan kale oo saddexaad.

Sheekada labadan waxay ina xusuusinaysa heesta ay ku luuqeyso fanaanadda Seynab Cali Baxsan marka ay leedahay – midigtuba miciin maleh haddii ay bidixdu maqan tahay waa laba mataano howsha maamulaayee.

Haddii aysan taasi dhicinna waxaa dhadhoobaysaa hees uu Tubeec qaaday oo oranaysa – qof waliba wixii dhibay dhafoorkay kaga taal.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!