crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Marka aad la faqdo Fekerka fayow. | HimiloNetwork

Marka aad la faqdo Fekerka fayow.

Muqdisho (Himilonetwork) – Fekerku waaa waxa ugu weyn ee dad, dawladd iyo bulsho isku heer ah kala sareysiiya, waa kan  sumcadda kugu sunta, aad ayuu u fudud yahay balse dhaqan gelintiisa ayaa adag, waana illinka fursadaha.
Gafafka mira dhalinta fekerka lagu galo waa kuwo ka faa’iido badan kuwa  aan shin dhaladka aheyn, waa furaha daaqad walbaa si aan u beddelno mar-xaladaha mooraal jabka, wuxuu ku simaa qofkii shiila inuu raad ku yeesho dadka iyo deegaanka noloshiisa.
Lama awooddo aragtidiisa hase ahaatee wax soo saarkiisa ayaa inooga dhigan aragti, waana waxa keliya ee riyada ruuxa maangal  ka dhigi kara, marna dib hauga guran inaad feker falkiso waayo  lama xalin karo sida dhacdaa dihaal jirtaa ilaa feker laga helo.
Dhibse ma leh xaaladda aad ku sugan tahay haddii aad maanka ku hayso inaad adigu haysato doorashada inaad la deyr ahaato iyo in kale, balse waxuu kuu kala xirmeyn karaa  aragtiyada kugu soo dariya ee u baahan kala shaan-dheynta.
Farxadda noloshaada waxaa udub dhexaad u ah miisaanka feker ee aad waayaha ku wajahdo, waxa uu kuu noqon karaa doon aad kolba kaga digo rogato mushkuladaha nolosha, waxaase sidoo kale  loo arkay iney tahay waajib barashadiisa. Tusaalaha ugu dhaw malabka macaan ee aan muutsanno, cunnada kala caynka ee cuudka kaaga dhigan, huga aan ku xaragoono iyo in kaloo badan waa miidda feker la dhalaaliyey.
Gunta
Muddada noo qadderan ee nolosha waxaan shaki la’aan wajahaynaa dhacdooyin kala dhadhan ah,  kuwa ku dhalan roga dhabanno-haysnna ku dhinac dhiga iyo kuwo dhoosha dhiillo kaa dhawra, waa labo ku kaltama koonkan.
Isugeynta, dhaxalka ay noo dhaafaan waa-waayo aragnimo, waxaase dhiilaha ka dhaansada uun inta  garadashada dheer ee u sahay qaata ka guuleysiga guntimaha aan tiro goynta laheyn ee dharaaraha ka baal dhasha.
Waxaan marar qaar jabad u galnaa waayo kala waji ah, kuu ahaadaba waxaan kadinka ku heli karnaa keliya feker togan, kaas oo goor walba noo ah saaxiib noo sahli kara inaan xal fudud ka gaarno  mawjadaha mudh soo yiraahda mar qura ama nagalaafta.
Maskxadeena wax uun baa ku milan sikin kasta oo ay marto nolashu sidaa darteed fekerku waa iniinta nagu duugan oo kolka xaaladu nala ciirto iyo marka ay xasiloontahay naga soo duxa  balse in badan oo ka mid ah waxay u muuqdaan miro manfac leh oo aan ka macaashin.
Maan-shiilku waxaa uu isku hawlaa isku duba-rididda fikrado kugu gaaxay  oo uu galeliyaa hab wareeg natiijo haybin ah, waana tallaab loo arkay inay Aas-aas u tahay bani aadamka una ogolaaneysa daah qaadidda walax uu daah kaga rognaa.
Miidda la mahdiyo ee laga muudsado fekerka togan waa caad yaal docdaad eegtaba iltiran, si hoose u qooraanso waxyaabaha aan isticmaal ahaan nagu dadan ama na gaaf yaal dhammaan waa biya-dhaca fikir lala faqay oo ay noo rogrogeen shaqsiyaad gartay dhuuxiisa.
Isbedelka aqooneed ee dunida ka jira waxay ku wada yimaadeen maan la dhuuxay, waxyaabo aan tiro yareyn oo maanta nala fudud oo aan u adeegsano hawlaheena maalinlaha  ah waxa mahaddooda  loo celiyaa  kuwii maankooda miidii ka timid nagu habay.
Inagana jiilalka naga dambeeya waxay naga dhawrayaan inaan u miirno miraha maankeena ku nigaxay, sida kuwii naga horeeyay ay nooga tageen wax badan oo maanta na dhinac yaal oo ay ugu horeeyaan gaadiidka kala duwan iyo kaabayaasha kale.
Wax kasta oo aan u adeegsano nolosha waxaa dib loogu celliyaa unkiddiisa inuu shaqsi lahaa, taas micnaheedu maaha in ay dhamaatay baahidii aan u qabnay hase yeeshee  waxaan maalin walba haysanaa 1,440 daqiiqo, waxay la micno tahay in si joogto ah aan  u haysnno 1,440 fursad oo aan feker togan ku sameyn karno.
Markaan  indho dilaacsanay ilaa god galkeena danbe dhib iyo dheefba waa hoos na hareer socda, kamana  baxsan karno haddii aan lagu maareyn tab.
Cilmi baaris ayaa lagu  muujisay inuu jiro xiriir xooggan oo ka dhaxeeya islahadalka fayow iyo wax soo saarka, taas oo Vitamin u ah maskxadda.
Gunaanad
Dadku waxay ay isugu jiraan kuwa fikradaha rog-roga, kuwa dhacdooyinka la dheri noqda iyo kuwo dadka kale ka dooda. Sida tababar jireed uu qofka ugu baahanyahay ayay maskaxduna ugu baahantahay laylin maan dhalaalin ah.
Xikmad ayaa oraneysa  “In la hadlo feker la’aan waxa ay la mid noqoneysa dil micno la’aan ah”, Mid kale ayaa leh Maskax aan hami lahayni waa shimbir aan garan lahayn, maskaxda  wanaagsani waa midda u fekerta siyaabo kala duwan.
Haddayna maskaxdeena ka shaqeyn xal keenid xaajo kasta oo nagu dagta waxa ay nagu sii hoggaamineysaa  mushkilado kale, Xikmad bari la diiwaan gliyay ayaa leh gaws caqliyeedku waxa uu ku soo baxaa sanad, balse xikmaddu waxa ay ku timaadaa khibradd.
Talo
Bedel fekerkaaga dabadeedd waxaad bedelaysaa dunida, fekrado curdun ah ayaa caalamka ku firirsan kuwaas oo naga sugaya inaan daboolka ka qaadno, xusuusnow in fekerku yahay dawada ugu fiican ee lagu tir-tiro dhibaatooyinka waayaha.
Waxaa intaa kuu dheer waa gaax kugu duugan oo aan lacag kaaga xirneyn inaad ka dur-duurato, ma jiro shey togan ama taban balse fekerka mid ka dhiga, feker aad maashay marar ayaa kaa dhigi kara dayax la wada daawado.
Waan sameyn karaa waxa ay la mid  tahay inaan fekero ayaan awoodaa, wax kasta oo ku qabsadaa joogtee,  wax walba oo adag feker ayaa fudeyd ka dhigi kara, ku taagnow fekerka wanaagga ku dhisan taas oo ka dhigan  qiimahaaga.
Habka ugu wanaagsan ee nolosha waa inaad fekerka ku foolanaato, awoodda ugu sareysa ee loo noqdo waa fekerka fayow, maalmaha kuugu wacan nolosha waa kuwa aad xaliso dihaal kugu dagay, sidaa darteed fekerku ka kuu ahaado haleelo irmaan.
Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed  Haadi)
Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!