crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ninka 25 jeer ku dhacay Imtixaanka Qubuulka Jaamacadda. | HimiloNetwork

La kulan – Ninka 25 jeer ku dhacay Imtixaanka Qubuulka Jaamacadda.

MUQDISHO (HN) — Tiiyoo uu 25 jeer ku dhacay imtixaankii qubuulka oo uu kaga mid noqon lahaa jaamacadda, 55-jir u dhashay Shiinaha wali kama quusan inuu mar un tacliinta sare ku biiro.

Liang Shi waa 55 jir maalqabeen ah oo leh shirkad dhismaha ka shaqaysa. Wuxuu heystaa adduun lacag oo uu wax walba ku qabsan karo. Laakiin marnaba kuma dareemayo dhammeystirnaan iyo qanaaco. Waayo taniyo markii uu da’yar ahaa, wuxuu ku taami jiray inuu ku biiro jaamacadda Sichuan University. Kumana guuleysan wali. Waqti dad badan oo isaga oo kale da’diisa jira ay ka fikiraan howlgab iyo aayamaal, Shi wuxuu raadaceynaa inuu riyadiisa ka gungaaro.

Hadda wuxuu rajaynayaa in markii 26aad uu u fariisto imtixaanka isaga oo ku hanweyn in la aqbalo.

“55 jir ayaan dhawaan noqday, wali waxaan isku arkaa da’yar,” ayuu yiri. “Kamana harin doonistayda ku aadan inaad barto taariikhda iyo juqraafiga. Waana sii wadayaa halgankayga intaan ka lib keenayo.”

Taniyo sannadkii 1983 ayuu Liang Shi u fariisanayay imtixaanka qubuulka. Markii ugu sarreysay wuxuu la yimid 400 waxaana laga rabay 750. Dhowr jeer ayuu midba kasmo bedelesho ku jiray si uu mar un naftiisa uga dhex helo jaamacadda.

Wuxuu la kulmay falcelinno togan iyo taban isugu jira. Waxaase dhiirrigelin iyo turxaanbixinba u noqday hanka ku jira iyo hiigsigiisa fog.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!