DUBAI (HN) — Macalin dhiga xisaabta iyo fiisigiska oo ku nool gobalka Rift Valley dalka Kenya ayaa ku guuleystay abaal-marinta halka milyan ee Macalinka Dunida, sida ay sheegeen qaban-qaabiyaal.
Peter Tabichi oo qaban-qaabiyaasha madashan ay sheegeen in 80% hantidiisa uu u hibeeyey danyarta ayaa ku guuleystay abaalmarintan oo lagu qabtay Dubai.
“Maalin walba Afrika waxaa ka furmaya bog cusub oo hor leh, abaalmarinta la isiiyayna kama dhigna inay i aqoonsaneyso, balse waxay ka dhigan tahay dhalinyarada Afrika. Halkanna waxaan kaliya u joogaa guushii ay gaareen ardayda,” ayuu yiri Tabichi.
“Hadyadani waxay siinaysaa fursad. Waxayna dunida u sheegeysaa in wax walba ay sameyn karaan,” ayuu sii raaciyay – kaddib markii kaga adkaaday 9 loolamayaal oo halgan ugu jiray hanashada abaalmarinta.
Ururk Varkey Foundation oo fadhigiisu yahay Dubai ayaa Tabichi ku aqoonsaday kartida iyo dadaalka uu ku bixiyay nooleynta rajada ardayda danyarta ah ee gobolkiisa.
Waa 36 jir bare ka ah iskuulka Keriko oo ku yaalla Pwani oo ah goob kamid ah gobalka Rift Valley halkaas oo ay inta badan ku dhiftaan abaaraha iyo macluusha.
95% ardayda degmada waxay kasoo jeedaan qoysas faqri ah, in badan oo kamid ah ardaydana waxay iskuul ku yimaadaan gaajo. Waayo maheystaan cunno ay cunaan. Isticmaalka daroogada, uurka gabdhaha da’yarta ah, is-dilka iyo guurka da’yarka ayaa aad ugu badan.
Si ay kusoo gaaraan iskuulka, qaarkood ayaa soo qaada masaafo 7 kilomitir ah si aysan uga baaqan casharada maalinka.
Dhammaan agabyada sahla adeegga wax-barashada iskuullada ayaa ku yar dugsiga, waxaana kaliya u yaalla hal kumbuyuutar; isticmaalka qadkuna aad buu ugu culus yahay.
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyata ayaa bogaadiyay macalin Peter. Wuxuuna sheekadiisa ku tilmaamay mid Afrika oo dhan ay wadaagaan.
You must log in to post a comment.