MUQDISHO (HN) — Taniyo markii uu shil gaari ku waayay mid kamid ah afartiisa lugood, Dexter oo ah ey lix jir ah wuxuu u socdaa sida bani-aadanka. Wuxuuna ugu dambeyntii bartay sida qumaati socodka ina aadan oo kale loogu socdo.
Isaga oo aan sannad jirsan ayuu shilkan soo gaaray. Tim Pasek oo ah lihilihiisa ayaa durba ula cararay isbitaalka halkaas oo looga jaray lugtiisa – halka midda kalana ay itaal beeshay oo aanu ku istaagi karin.
Taniyo markaas oo lagu guuleystay qoysmada lugtiisa, wuxuu awooday inuu sida dadka ugu socdo labadiisa lugood ee dambe.
Laakiin waa natiijada tababbar iyo carbis joogto ah oo uu ka helay lihilihiisa oo hadiyo jeer u diyaarin jiray sidii uu labadiisa lugood ee dambe ugu socon kari lahaa. Laakiin bilowga tababbarku wuxuu ahaa mid laga walwalo. Tim iyo afadiisa waxay tilmaameen inay mararka qaar ka cabsan jireen inuu dhinac dhinaca iyo sare jooga uu ka dhaco. Laakiin dadaalkoodu ugu dambeyntii wuxuu noqday miduu mahdiyay eygooda oo hadda adeegsan kara lugihiisa – orod iyo qunyar socod – intaba.
Intaba badan eeyaha ka naafooba ladaba lugood ee dambe waxaa dhacda in lagu kabo lugo macmal ah oo socodkaabe u ah, laakiin midda Dexter waxoogaa way ka yara duwaneyd kana adkeyd. Sidaas darteed, inuu barto sida labadiisa lugood ee u haray uu ugu socon karo, waxay ahayd doorashada kaliya ee furan.
Muuqaallada laga duubo qaab socodkiisa waxay noqdaan kuwo aad ugu baaha baraha bulshada durba marka lagu soo daabaco. Dad badanna ayaana tallaab bogaadin iyo hambalyeyn ah usoo qaaday lihilihiisa Tim, hayeeshe, in kale ayaa muujinaya wallaac ah inaanu sii awoodi doonin ku socoshada laba lugood oo kaliya – loona baahan yahay in loo helo kaalmaati ku saacidi kara inuusan daaqad iyo tamar badan isaga bixin ku socodka labadiisa lugood.
Balse taasi lur iyo walaac kuma heyso Tim. Wuxuuna naawilayaa inuu eygiisa kula noolaan doono caafimaad dhammeystiran oo aanu marnaba ku dhib mudan doonin ku socoshada labadiisa lugood.
Cidnase ma saadaalin karo nuuca mustaqbal ee sugaya Dexter oo hadda galaya da’diisa 7 jirka.


You must log in to post a comment.