crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kirklar – Masjid soo jiita Indhaha Dalxiisayaasha Turkiga yimaada. | HimiloNetwork

Kirklar – Masjid soo jiita Indhaha Dalxiisayaasha Turkiga yimaada.

Ankara (Himilonetwork) – Isaga oo dhaca masaafo oogada sare ee badda u jirta 3200 meter, Masjidka Cirifkore ee ku yaalla waqooyiga gobalka Black Sea ee dalka Turkiga, wuxuu soo jiitaa indhaha dal-xiisayaal badan kuwaas oo jecel inay meel dheer ka jeedaaliyaan oogada dhulka.
Dadka gudaha waxay Masjidkan ugu yeeraan Kirklar. Wuxuuna u dhaxeeya gobollada Bayburt iyo Trabzon. Waxaana uu soo jiidasho u noqday indhaha Muslimiin badan iyo kuwa jecel inay neecawda ka neefsadaan meel sarreysa.
“Goobtani waxay ku dareensiinaysaa dareen abadi ah,” ayay tiri Nurten Balci, oo markii labaad soo booqanaysa halkan iyada oo la hadlaysa Anadolu Agency.
“Waxaan rabaa inaan halkan imaado sannad walba.”
“Dhabtii tani waa meesha mudan in lasoo booqdo,” ayay tiri  Fatma Nur, iyada oo intaas kusii dartay inay heleyso raaxo aan la micnayn karin.
Masjidkan oo aan la ogeyn waqtigii la dhisay waxaa la rumeysan yahay inuu yahay goob ay ku kulmaan ciidda iyo heegada sare ee hawada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!