Karla Jacinto: Gabadhii la kufsaday 43,200 oo jeer
Posted by: Zakariya
in Wararka
January 13, 2016
1,226 Views
Muqdisho (Himilonews) – Karla Jacinto waxay dhex-fadhisaa beer shinbiruhu bulxamayaan. Waxay ku dhaayatiirsaneysaa udugga ubaxyada iyada oo maqli karta dadka gadaal kaga socda gidaarka beerta; kuna arah-saneysa hadallo dabacsan gudaha caasimadda Mexico City.
Waxay toos uga dhex muuqataa indhahayga, codkeeduna wuxuu la daadegayaa fiicnimo iyada oo dooneysa inay ii sheegto tirada ay rabto inay gocato –43,200.
Ka qiyaas-qaadashadeeda gaarka ah, 43,200 waa tirada jeer ee la kufsaday kadib kolkay gacanta u gashay dad ka ganacsadayaasha.
Waxay tiraabtay ku dhawaad 30 nin maalinti, toddobo maalin toddobaadki oo ku socta afar sano oo joogto ah – 43,200 jeer—in la kufsaday.
Sheekadeedu waxay faaqidaysaa mahadhooyinka argagaxa leh ee dad ka ganacsiga ee gudaha Mexico iyo Maraykanka – duni madow taas oo burburisay nolosha toboneeyo kun oo gabdho Mexican ah sida Karla.
Dad ka ganacsigu wuxuu noqday wax soo saar lacag badan aadna u faafsan oo aan ka baqin xad iyo xiriir lagu dabagalo gudaha bartamaha Mexico oo kala siman Atlanta iyo New York.
Saraakiisha Maraykanka iyo Mexico labadaba waxay farta ku fiiqeen magaalo ku taalla bartamaha Mexico taas oo sanado badan aheyd isha ugu weyn ee dad ka ganacsigu ka shanqaro iyo meel halkaas oo dhibanaha lala tago kahor intaan danbeedada lagu sandulleyn dhillaysiga. Magaalada waxaa lagu magacaabaa Tenancingo.
Inkasta oo ay magaaladu leedahay tiro dadyow ku dhow 13,000, hadana waxay leedahay mug-dhaaf dheefsi ah markay timaado dhillaysiga iyo addoonsiga dhillooyinka sida uu sheegayo Susan Coppedge, oo hadda ah Madaxda Waaxda Ambaasadoorka Maraykanka ee dagaalka ballaaran ee ka dhanka ah dad ka ganacsiga kol horana ka shaqeyn jiray xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Marayka ee Atlanta.
“Taasi waa waxa magaaladani lagu sameeyo. Taasi waa warshadooda,” ayuu yiri Coppedge. “Hadana bulshada yar ee reer miyiga ah, gabdhaha yaryar fikir kama heystaan inay tani tahay waxa magaaladani lagu sameeyo. Marka kama cabsoodaan raga halkaan yimaada. Waxay maleenayaan inay mustaqbal fiican la yeeshaan shaqsiyaadkan. Waxay la tahay inay jecel yihiin waana isla sheekadan midda lagu shaqaaleysiiyo waqti kasta.”
-Lagu dhaqan-dooriyay da’da shan sano jir-
Karla waxay sheegtay in intay xusuusan kartaba la dhaqan-dilay iyada oo dareemi jirtay inay diidan ka noqotay xagga hooyadeed. “Waxaan ka dhashay qoys caabuqan. Galmashood ayaa laygu dhaqan-dooriyay waana laygu macaamiil xumaaday aniga oo shan sano jir ah,” ayay tiri.
Markii ay 12-jir aheyd waxaa soo bartilmaansaday dad ka ganacsade kaas oo ku duufsaday adeegsiga ereyo beer dulucsi ah iyo dhal-dhalaalka baabuur ilqabad leh.
Waxay tilifoonada kala qorteen nin ay is barteen kaas oo ubaxyo iyo hadiyado qurux badan kusoo af-bilaabay la qabsigeeda. Karla waxay tiraabtay inay aad ula dhacday ninkan. Ogaanshaha inay la qabsatay dhankiisa, wuxuu ugu baaqay inay u damaashaad tagaan tuulo loo dalxiiso.
“Markii uu iila yimid gaariga maan rumeysan karin. Waxaan aad ugu riyaaqay jaaha gaariga. Xiisayna igu beertay. Wuxuu iga dalbay inaan soo galo baabuurka si aan u dhaqaajino,” ayay tiri.
-‘Bandiiradaha Cas’ meel kastay surnaayeen-
Wax badan kumay qaadanin ninka, oo 22-jir ahaa kana weynaa 10-sano Karla, inuu ka dhaadhiciyo inay la dibjirto habeen, gaar ahaan kadib mar Karla hooyadeed ay albaabka ka furi weyday habeen saq dhexe ah iyada oo lasoo daahday ninka.
“Maalintii xigtay waan la baxay. Waxaana la noolaa saddex bilood inta lgu jiray oo uu iila dhaqmay si hagaagsan. Wax walba oo qurux badan ayuu ila jeclaaday: ubaxyo, dhar, kabo, shukulaato iyo wixii lamid ah,” ayay tiri Karla.
Karla waxay sheegtay in saaxibkeeda guriga kaga tagi karo toddobaad oo dhan gudaha qolkeeda. Walaaladiis ayaa la imaan gabdho cusub toddobaad kasta. Kolkii ay ugu danbeyn iska soo jartay dhiirrimadaah inay weydiiso ganacsiga ka socda halkan oo ay wadaan, waxay u sheegeen runta. “Waa dhillooyin kuwan,” ayay ku yiraahdeen Karla.
“Maalmo kooban kadib waxay bilaabeen inay ii sheegaan waxa ila gudboon inaan sameeyo: boosaska bannaan, inta lacag ee aan ku qaadanayo , waxyaalaha aan la sameynayo macmiisha, sidaan ula dhaqmi lahaa iyo sidaan ula hadli lahaa say ii siiyaan lacago badan,” ayay tiri Karla.
-Afar sano oo cadaab ah-
Waxay aheyd bilowga afar sano oo cadaab ah. Markii koobaad ee lagu sandulleysto dhillaysiga waxaa loo qaaday Guadalajara, oo ah mid kamid ah magaalooyinka ugu weyn Mexico.
Waxaan gali jiray shaqada 10 habeenimo kana bixi jiray saqda dhexe. Waxaynu joogneyd Guadalajara hal toddobaad. Nimanka qaar ayaa igu qosli jiray waayo waan ooyi jiray. Waxaan laabi jiray indhahayga si aan u arag waxa igu socda: si aan wax u dareemin,” ayay tiri Karla.
Waxaa kale oo jiray magaalooyin dhowr ah oo loo diri jiray xarumahooda sida kalaabyada, jidadka iyo hoteellada lagu yaqaan dhillooyinka iyo xittaa guryaha ayaa looga wacan jiray si ay u maqsuudiyo macmiilka jooga rugtiisa ee kusoo gaari waaya kalaabyada.
-Kadibna waxaa yimid Cunug-
Maalin iyada oo dhillaysi ahaan uga shaqeyneysa hotel, waxaa qabtay bileyska. Waxay kala irdheeyeen macmiisha oo dhan, ayay tilmaantay Karla, wayna xireen hoteelka. Waxay maleysay inay aheyd maalintii ugu ayaanka fiicneyd – howl-galka bileys ayaa badbaado uga dhignaa iyada iyo gabdho kalaba.
Bogsimaadkeedu durba wuxuu isku rogay baqa-carar kolkii saraakiisha, oo gaaraya 30 sida ay tiri, gabdhaha ula kaceen qolal kala duwan iyaga oo bilaabay inay muuqaallo xodxodasho ah ka duubaan. Gabdhaha waxaa loo sheegay in muuqaallada loo gudbin doono qoysaskooda haddaanay sameyn wax walba oo la weydiisto.
Waan ogaaday inay na kohanayaan. Way ogaayeen inay ilmo yar yar aheyn. Waliba ma aheyn kuwa qaan-gaaray. Waxaan naga muuqday wajiyo murugeysan. Waxaa jiray gabdho kuwaas oo kaliya 10-sano jiro ahaa. Waxaa jiray gabdho ooynayey: waxay ku cabaadayeen.’waxaan nahay ilmo qofna namgama dareensado,” ayay tiri Karla. Waqtigaas Karla waxay jirtay 13-sano.
Dunida qarawga saqda dhexe, xittaa inay uur yeelato waxay aheyd rafaad kale ma aheyn riyaaq.
Karla waxay ku dhashay gabar da’da 15-jir—dhal aabo uu u yahay macmiilka ugu badan ee ka dhillaystay kaas oo u adeegsaday ubadka inuu caqabad uga dhigo hooyadeed haddaanay fulin faraalladiisa: wuxuu kula nadray inuu dhaawaco ubadka ama uu dilo.
Wuu ka qaaday cunugta bil kadib dhalshadeeda mana loo oggolaan inay dib u aragto ilaa gabadhu ay 2-sano jir ka gaartay.
Karla Jacinto ugu danbeyn waxaa lasoo sama-bixiyay sanadkii 2008 mar lagu guda-jiray howlgalka la dagaalanka dad ka ganacsiga ee Mexico.
Tiiraanyadeedu waxay ku idlaatay afar sano oo dhuunkaal iyo dhamac kulul sahay looga dhigay. Waxay aheyd wali, 16-jir, markay kasoo samata-baxday –hayeeshe waxay kusoo noolaatay waaya’aragnimo cabsi badan taas oo la marti ku ahaan doonta qalbigeeda inta ay nooshahay.
-Indhihiinna ka qaada ciirada-
Karla hadda waxay jira 23-sano. Waxayna noqtay hal-tebiso u ol’oleysa la dagaalanka dad ka ganacsiga iyada oo sheekadeeda ka tebisa shirarka iyo dhacdooyinka dadweynaha.
Waxay qisadeeda u sheegtay Pope Francis bishii July gudaha Vatican-ka. Waxaa kale oo ay la wadaagtay sheekadeeda kongareeska Maraykanka bishii May ee sanadkii hore.
Farriinteedu waa in dad ka ganacsiga iyo dhillaynta gabdhaha ay yihiin dhacdo iyo dhibaato dunida ninka Cad kusii fideysa.
Karla waxay tiri: “Waxaad u baahan tihiin inaad wax ka barataan sheekadeyda kana qaadaan ciirada culus ee saaran indhihiinna.”
Inaan wax laga qaban dad ka ganacsiga, ayay tiri Karla, waxay gabdho badan ku noqon doonta caqabad noloshooda mahadho balaaran ku sameysa.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-01-13
You must log in to post a comment.