crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> UK: Muslimiintu waa bulshada ugu deeqda badan gudaha Britain | HimiloNetwork

UK: Muslimiintu waa bulshada ugu deeqda badan gudaha Britain

Muqdisho (Himilonews) – Xaqiiqda ah in Britain uu tahay dalka ugu deeq-bixinta badan, sida ay sheegtaan, dalalka horumaray ee dunida, Muslimiinta UK iyaguna waa kuwa ugu sarreeya deeq-bixinta abaabulan ee gudaha Britain. Ra’iisul wasaare David Cameron ayaa ku oggolaaday dhab ahaanta sida Muslimiintu ay u deeq badan yihiin dhanbaalkiisii Ramadanka ee sanadkii 2014. “Halkan gudaha Britain, Muslimiintu waa deeq-bixiyaasha ugu weyn—waxay bixiyaan deeq ka badan bulshooyinka aaminsan diimaha kale,” ayuu yiri.
Muslimiinta UK ayaa dardar muuqata ka qaata gargaaradda iyo gurmadka loo bixiyo dadka dhibaatooyinka ay kamid tahay fatahaadaha ku dhaca iyaga oo shaqaale sama-falayaal ah, cunnooyin, bustayaal iyo gaadiidyo u dira dhibanayaasha—lana garab shaqeeya waaxyada bileyska iyo gurmadka degdegga ah.
Mid kamid ah ururrada smafalka ah ee Muslimiinta ku nool UK waa al-Imdaad oo xarunteedu tahay Birmingham kuwaas oo bishii hore gurmad u fidiyay fatahaado ka dhacay degmada Blackburn.
Hayeeshe, gargaarka ay kaliya u fidiyaan dadka kula nool Britain ma ahan oo kaliya mid adduunyadooda anfaca. Waxaa jira gurmad dacwadeed deeqsan oo ay ku dhaqaaqaan inta badan siiba bisha barakaysan ee Ramadaan—halkaas oo fogaan-aragyo Islaami ah ay bixiyaan casharro ku saabsan Islaamka iyo nolosha.
Koox Muslimiin ah ayaa dibjirro iyo dalanbaabiyo daroogadu daashatay waxay magaalada Manchester ugu qeybiyeen cunno bisil, hu’ culus iyo buugaag yaryar oo xanbaarsan dacwada Islaamka. Falkan wuxuu noqday mid kamid ah falalka suuban ee soo jiitay indhaha dadka reer UK oo badi da’yartoodu ku nool yihiin xaalado laga murugoodo oo dhac, kufsi iyo daroogeyn ah.
Si kastaba, qabashada samafaladan, Muslimiintu waxay la kulmaan inay dhib iyo carqalado ku mutaan gudashada gargaarkooda.
Sida uu tilmaamayo Muhammad Abdul Bari oo ahaa xog-haya guud ee Golaha Muslimiinta Britain, wuxuu sheegay inay jiraan kalsooni darro kolkol laga muujiyo samafalkooda.
“Ururinta deeqaha aalaaba waxaa lagu shakiyaa in loo dirayo kooxaha Islaamiyiinta ah. Wayna adag tahay in si fudud ay kusoo af-meeranto samafal kasta oo la anba-qaado,” ayuu yiri.
Abdul Bari wuxuu in bangiyada qaar ay shaki ka qaadaan koontooyinka ay ku leeyihiin. “Way adag tahay inay si fudud kuula macmilaan,” ayuu yiri. “Hadday kula macmilaanna, laguuguma adeegayo sida qofka caadiga ah. Dabcan shakiga jira ee maal-galinta lagu bixiyo kooxaha Islaamiyiinta sida Boko Haram iyo al-Shabaab ayaa sababta ugu weyn iska leh.”
Jeer iyo haddana, bangiyada qaar ee UK ayaa joojiyay koontooyinka ay leeyihiin ururrada samafalayaasha Muslimiinta, sida uu tilmaamayo Bari.
Balse marka laga fiiriyo tirade dadka ay saameeyaan samafalladan oo ugu danbeyn Islaama, caqabadahani uma muuqdaan kuwo joojin kara hammigooda.
“Kol haddii aan heleyno tiro walaalo ah oo bulshada Islaamka kamid noqonaya, majirto waddo aan ka aheyn inaan dhiirranaano,” ayuu yiri.
Ku hal-adeygista geeddi-socod ee gargaarkan garbaha looga jiro, Abdul Bari wuxuu sheegay in yoolkoodu yahay inay arkaan UK oo noqota dal aqlabiyaddiisu Muslimiin yihiin.
Taasina waa saadaasha ilaa hadda la bixinayo marka la eego siday wax ku socdaan iyo qulqulka qaxooti Muslimiin u badan oo kusoo badanaya Britain.
UK oo ay ku nool yihiin wax ka badan shan malyuun oo Muslimiin ah, oo ah sida ay dowladdu tilmaantay: balse ka tira badan laba jibbaar, waxaa la filayaa inay noqon doonto Jamhuuriyad Islaami ah marka lagaaro sanadka 2050-ka marka loo eego sahan ay sameysay xarunta cilmi-baarista diimaha ee Pew.
Dabagallada tuhun ee laga muujiyo howlaha samafal ee Muslimiinta iyo gurmadka aan harsiga laheyn ee loo fidanayo dadka UK kula nool bulshada Islaamka waa kuwo is-barbar yaaci doona ilaa laga gaaro meel Islaamku ka noqdo doorashada kaliya ee lagala baxo dhaqamada dadka hantaaqan ee reer Galbeedka.
Balse taasi waxay ku dhalan doontaa dulqaad iyo dabacsani ay muujiyaan Muslimiinta UK. Inta gaarayase, raranka kulul ee ay ku socdaan Muslimiinta reer Yurub, wuxuu maalin un raxmad u noqon doonaa dunida ninka Cad. Waxayna dar Alle ugu huri doonaan murug iyo maalkooda si ay raxmada Islaamka u faafiyaan.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!