Guuleed: Hal-abuur kasoo baxay Arligeenna, Afrika iyo Adduunka
Posted by: Zakariya
in Wararka
January 12, 2016
415 Views
Muqdisho (Himilonews) – Guuleed Adan Abdi, oo 13-jir ah, wuxuu ku dhashay degmada Buuhoodle ee waqooyiga Soomaaliya.
Wuxuu kasoo jeedaa qoys nolol ahaan meel dhexaad ah. Guuleed aabihiis wuxuu dhintay xilli uu dharab ku jir ahaa.
Hadda waa heerka saddexaad ee dugsiga.
Tiiyoo Guuleed iyo qoyskiisu ay ku foolan yihiin waayaha adag ee nolosha, hadana wuxuu kulmiyaa agabyo farsameysan oo isugu jira gacan-ku-sameysyo ah diyaarado, gaadiidka nuucyadiisa kala jaadka ah iyo dhigdhigo “marawaxad”—isaga oo adeegsanaya qalabyo harharay oo uu ku dhaqaajiyo danabka batariyada.
Guuleed wuxuu ku sugan yahay dal ay jaqeen dagaallo sokeeye iyo la’aanta wax ka badan 20-sano dowlad dhexe oo sal adag ku fadhida inay ka dhalato.
Si loogu muujiyo mudnaanta hal-abuur ee gaaxda maskaxdiisa, madax heer goboleed ah ayaa muujiyay siday ugu riyaaqeen farsamada Guuleed.
Madaxweynaha Puntland wuxuu kamid noqday dadka bogaadiyay falka hal-curin ee qeyrul-caadiga ah ee uu lasoo baxay wiilkan da’da yar.
Guuleed ayaa kula kulmay Gaas, Golihii wasiirrada iyo barlamaanka Puntland xarunta madaxtooyada bishii January 4th sanadka cusub ee 2016.
Wareysi ay la yeelatay Global Voice, Guuleed oo la weydiiyay sida uu ku bilaabay hiwaayadan, wuxuu yiri:
“Waxaan ku jiray heerka dhexe ee dugsiga, mana laygu barin dugsiga waxyaabahan: waa wax aan isku dayay inaan sameeyo xilli aan firaaqada leeyahay. Waayo waxaan ogsoonaa inay muhiim tahay.”
Hooyada Guuleed, marwo Maryam Hassan, oo u haliilneyd ka hadalka su’aasha inankeeda la su’aalay ayaa iyadna intaas kusii dartay:
“Kolkii aabihiis uu dhintay dhamaan xilkooda aniguu i fuulay: mana o oggolaan jirin inuu dibadda u baxo: waxaan ka xiri jiray lugaha si aanu banaanka u aadin. Si aan u mashquuliyo waxaan usoo ururin jiray waxlxaha harharka ah aniga oo u sheegaya inuu isku xirxiro. Waxay ila tahay waa sidaan qaabkii uu ku bilaabay hal-abuurkan cajiibka ah.”
Dal saxaafadda caalamka ay ka tebiyaan xaalado fashilan oo qalalaaso, qaad, musuq iyo midnimo la’aan ah, sheekada Guuleed waxay cashar cusub iyo aragti kale u tahay sida hal-abuurro da’yar ay uga soo bidhaamayaan dal dadkiisu kuhor dhicisoobeen dhaayaha adduunka.
Halka hooyo kasta oo Soomaaliyeed aanay soo saareyn hal-abuur Guuleed oo kale ah, mama Maryan Hassan—oo aabo la’aan soo korisay inankeeda, waxay ku sugnaan doontaa tusmada koobaad ee ku dayashada lagu soo ababiyo hal-yaqaan wax badala. Balse taasi waxay ku jirtaa hanka hooyooyinka Soomaaliyeed oo meel sare hiigsada. Inta laga helayo middaas, carruur badan waxaa gumeyn doona fiirada liidata iyo falxumida qabyaaladeed oo ay kusoo ababiyaan waalidkooda.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal.’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-01-12
You must log in to post a comment.