La kulan: Ninka ugu cimriga dheer dunida
Posted by: Zakariya
in Wararka
January 11, 2016
1,510 Views
Brazil (Himilonews) – Marka loo eego faallooyin saxaafadeed dhowr ah oo ay kamid tahay muddaalaha The Express, wiil addoomeed kaas oo wali socda bakoorad la’aan: cunana maalin kasta afar jeer ayaa loo tiirinayaa inuu yahay qofkii ugu cimri dheeraa ee dunida lagu arko—kadib helista marqaatigiisa dhalasho oo ka timid sanadkii 1880-kii.
Jose Aguinelo dos Santos, kaas oo ku nool gurigii duqowda hore ee Bauru, Brazil, wuxuu—marka loo eego dukuminti lag helay dhashay bishii July, 7th sanadkii 1888 – oo ka dhigaysa inuu jiro 126-sano. Haddii marqaatigan dukumenti uu hubaal noqdo, waa qofkii ugu da’da weynaa abid ee dunida soo mara—wuxuuna booska kala bixi doonaa haweeneydii Faransiis ee Jeanne Calment taas oo dhalatay sanadkii 1875-kii kuna dhimatay magaalada Arles sanadkii 1997-kii da’da 122-sano.
Mr. dos Santos, kaas oo loo yaqaan Ze, waligiis ma guursan mana dhalin wax ubad ah. Wuxuu cunaa saxan bariis iyo digir ah; isaga oo caba baakad sigaar ah maalin kasta.
Mariana Silva, oo saykoolojiga baratay, waxay sheegtay in Jose uusan qabin dhibaato caafimaad: isaga oo kaga yaabsada dadka deegaankiisa sida fariidan ee fiyoobidiisu taagan tahay. Waxay tiri: “Waa mid kamid ah dadka ugu fiyooban daganayaasha xaafaddiisa. Maqabo wax dufan ah, kaadi-macaan iyo dhiig-kar ah. Dawada kaliya ee uu qaato waa fiitamiin oo kiniiniyo kordhiya heerka cunnadiisa taas oo da’dan lagu waayo. Marka uu kaligiis yahay wuxuu jecleystaa inuu heeso. Qofkeen inaga mid ah ma yaqaan heesaha uu qaado. Waxay ka yimaadeen waqti qofna uusan garwaaqsan karin. Majecla inuu qubeysto maalin kasta mararka qaarna waa maandiid inuu biyo isku shubo. “
Mr. dos Santos, kaas oo yimid guriga sanadkii 2001, wuxuu helay marqaatiga dhalashadiisa bishii hore kadib noolaanshaha noloshiisa oo dhan dukumenti la’aan.
Koox sahmiyaal ah ayaa la yimid warqadda dhalashadiisa kadib kuurgalid ay ku sameeyeen tagtadiisa: iyo iyaga oo ka wareystay xusuustiisii hore taas oo uu awooday inuu dib u qeexo heerkii addoonimo ee abkiisa lagu keenay Ameerika.
Hadda waxaa lagu rajan weyn yahay in lasoo qayaxo ahaanshaha Santos inuu yahay qofka ugu cimriga dheeraa dunida—iyada oo la adeegsanayo Carbon-14 dating.
Madaxa guddigan baaritaanka, Jose Roberto Pires, ayaa sheegay inay go’aansadeen inay ku dhiiradaan baaristaan in kasta oo ay ku kaceyso qiimo dhan 22,000 oo doolar.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-01-11
You must log in to post a comment.