crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Tottenham oo Dibjirrada u furaya Jiko ay wax ka cunaan | HimiloNetwork

Masjidka Tottenham oo Dibjirrada u furaya Jiko ay wax ka cunaan

Muqdisho (Himilonews) – Xubno kamid ah jamaacada Masjidka ugu filka dheer Tottenham ayaa soo agaasimay jiko ay cuntada ka cunaan dadka qabowgu ku qabsado gidaaradda waddooyinka – dibjirta. 
Dadka ku sugan Masjidka Ayesha Tottenham ayaa Axadii cunno bisil oo isugu jirta kuleyl iyo qabow iyo dharka culus ee laga qaato barafka u qeybiyey dadka dibjirada ah ee seexda waddooyinka magaalada.
Waxaa kale oo ay cunno bisil gaarsiiyeen daganayaasha gabaadka St Mungo’s ee Tottenham kuwaas oo awoodi waayay inay soo xaadiraan jikada Masjidka ee lagu qeybiyay cuntada.
Sahabuddin Molla, oo ag dagan Masjidka ayaa yiri: “Bixinta sadaqada waa qeyb kamid ah Islaamka. Ku dhiirrashada falkan, waxaynu go’aansanay inaan u baxno walaallada baahan ee bulshadeenna ku jira si aanay u dareemin in la cidleeyey.”
“Tani waxay aheyd oraahdeenna ah in dadka dibjirada ah ay yihiin qeyb ballaaran oo bulshadeenna kamid ah. Waxaa kale oo aynu baaqeenna la wadaagnay deriska Masjidka si ay noola garab istaagaan gargaarka dibjiradda.”
“Inaga iyo dibjiradu hal miis ayaynu wax ku wada cunnay. Taasna waxay aheyd mid jamaadan. Waxaynu abaabuli doona mid kale insha Allah.”
Masjidka Ayesha ee Tottenham ayaa qeyb ka ah xarunta bulshada Islaamka ee UK taas oo mashaariic kala duwan oo samafal ah ka suubida guud ahaanba Britain.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!