crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabadhii koobaad ee AQALKA CAD EE MARAYKANKA xil ka qabata | HimiloNetwork

Gabadhii koobaad ee AQALKA CAD EE MARAYKANKA xil ka qabata

Muqdisho (Himilonews) – Dalia Mogahed, sanadka 2009 ayay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim xijaaban ah oo jago ka qabata gudaha aqalka cad ee Maraykanka.
Dalia ayaa lagu soo magacaabay wareegtada madaxweyne Obama kol uu dajinayey xubno cusub oo kamid noqonayey aqalka cad. Waxaa loo magacaabay qeybta isku xirka xiriirka diimaha ee xafiiska aqalka cad kaas oo ay shaqadiisu tahay inuu taageero dugsi diimeedyada iyo inuu ka xoojiyo xiriirka dowladda iyo ururrada diimaha ee ka jira Maraykanka.
Kadib magacaabisteeda, waxaa la warsaday inay bandhigto shaqada ugu adag gudaha Maraykanka – taasi waa inay sara u dhigto wacyiga Muslimiinta Maraykanka iyo macneynta sida badi muwaadiniin badan oo USA ku nool ka qabaan Islaamka.
Markii uu idlaaday talada xafiiska ee aqalka cad, waxay warqad tala-bixineed furan u dirtay madaxweyne Obama taas oo ku aadaneyd inay u banbaxdo qeybaha kala duwan ee Muslimiinta Laatiin Ameerika.
Waa hal-qoraha “Yaa u hadla Islaamka? Iyo Maxay balyuun Muslimiin ah ku fikirayaan?
Hadda waa agaasimaha cilmi-baarista ee machadka siyaasadda bulshada iyo fahamka oo ah urur aan calaf-doon aheyn kaas oo cilmi-baaris ku sameeyaa Muslimiinta dunida iyo kuwa Maraykankaba.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!