6 jir iyo 75 jir oo Qur’anka oo dhan dusha ka xifdiyay.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
April 21, 2018
933 Views
Delhi (Himilonetwork) – 75-jir Muslimad Hindiya u dhalatay ayaa noqotay haweeneydii ugu da’da weyneyd bulshada ay ku dhex nooshahay ee dusha ka qeybta Qur’anka oo dhan kaddib 7 sano oo ay baranaysay – halka 6 jir iyadna ku nool magaalada Bengaluru ay guushaas oo kale gaartay.
“Xalka dhibaatada dunida taalla oo dhan waxaa laga helayaa Qur’anka,” ayay 75-jirta lagu magacaabo Radiya Vaziri, u sheegtay Jariiradda The Hindu.
“Xifdinta Qur’anka waxay nolosheyda ku yeelatay saameyn ballaaran oo dhanka caafimaadkayga la xiriirta, warwarkii i hayayna wuxuu iiga dagay tartiib-tartiib.” ayay sii raacisay.
Haweeney degaankeedu yahay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Dawoodi Bohras ayaa ah tan ugu da’da weyn ee xifdisa Qur’anka oo dhan.
Ruqaiyah Khandwala, oo ku nool Bengaluru ayaa iyadna ah midda ugu da’da yar ee rikoorkaas heysata.
Ruqaiyah waxay waqti badan si aayar-aayar ah ugu bixisay sidii ay hadba maalin walba u baran lahayd suurad suurad ilaa ay ugu danbeyntii kusoo baxay xaafidul-Qur’an.
Marka loo eego aabaheed, Mufaddal Khandwala, oo xarunta IT ku leh magaalada, dadaalkeedu wuxuu ku mira-dhalay juhdiga ay hooyadeed, oo lagu magacaabo Khadijah, ku bixisay sidii ay gabadheeda u siin lahayd waqtiga ugu badan si ay u noqoto qofka ay ugu danbeyntii kusoo baxday.
Toddobaadkii hore, caalimka degmada, Syedna Mufaddal Saifuddin, ayaa labada haldoor ee kala heysta rikoorka haweeneyda ugu da’da weyn iyo gabadha ugu da’da yar ee xifdiya Qur’anka wuxuu xaflad ballaaran ugu sameeyey magaalada Surat.
Related
2018-04-21
You must log in to post a comment.