crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimad ‘salaan ay diiday awgeed’ loogu diiday dhalashada Faransiiska. | HimiloNetwork

Muslimad ‘salaan ay diiday awgeed’ loogu diiday dhalashada Faransiiska.

Paris (Himilonetwork) – Haweeney u dhalatay dalka al-Jeeriya oo diiday inay gacan-qaado ‘salaanto’ saraakiisha laanta jinsiyadaha xilli ay socotay waraysigeeda muwaadinnimada lagu siinayo ayaa loo diiday inay hesho dhalashada dalka Faransiiska, sida ay xukuntay maxkamadda ugu sarreysa dalkaas.
Dowladda ayaa sheegtay in ficilka haweeneydan uu muujinayo inaysan ku milmi karin dhaqanka Faransiisku adeegsado ee ‘assimilation’.
Haweeneydan ayaase ku dooday inay caqiidada ay aaminsan tahay uu ka mamnuucayo inay gacan qaado qof anjabi ka ah – xittaa kuwa Muslimiinta ay wada yihiin.
Faransiiska waxaa ku nool tiro ay dowladdu sheegto inay dhan yihiin 5 milyan oo Muslimiin ah. Hayeeshe tiro aan rasmi ahaan loo xaqiijin ayaa tibaaxda inay ku nool yihiin wax ka badan 12 milyan oo Muslimiin ah.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!