MUQDISHO (HN) — Horumariye kamid ah dhismaha mashaariicda guriyeynta oo lagu magacaabo Ichijo Komuten ayaa dhawaan soo saaray guri aan kaliya biyaha u gegsan karin balse awoodi kara inuu ku dul sabeeyo.
Fatahaadaha ka dhasha roobabka da’a waxay dhibaato weyn u horseedaan dhismayaal badan oo dadka degan ku qasba inay barakacaan. Dadaallo badan oo looga gol leeyahay in xal waara loo helo mushkiladdan ayaan u shaqeynin sidii loo baahnaa. In yar ayaase soo saaray natiijo wax ku ool ah. Hadda horumariye ku nool Japan ayaa ku hal-adag in hal-abuurkiisan cusub aanu kaliya ka caawin doonin dadweynaha inay ka nabad galaan biyaha mahiigaanku keeno balse sidoo kale ay awoodi doonaan inay guryahooda ku negaadaan iyaga oo ku dul sabeynaya qulqulka xooggan ee biyaha soo jabsada.
Guryaha ayaa loo sameeyey qaab sahlaya inay la falgalaan joogga biyaha ay ku dul sabeynayaan. Marka biyuhu joojiyaan durdurrada joogtada ah, guryahan waxaa iskood u awoodi karaan inay kusoo noqdaan bartii ay markii hore ugu mudnaayeen dhidibada. Qalabyada jacda iyo dabka kicin kara waxaa lagu rakibay qeybta kore ee guriga si aan biyuhu u gaarin.
Marka loo eego ingineerada ku sugan Ichijo Komuten, guryaha badigood waxaa qaada daadadka iyo fatahaadaha soo jabsada marka joogga qulqulka biyahoodu ay gaaraan ilaa daaqadaha guryaha. Ichijo Komuten waa kambaniyada ugu horreeya xagga dhismaha gudaha dalka Japan, waxayna xattaa mar ku guuleysatay abaalmarinta Buugga Dhacdooyinka Dunida lagu qoro.
You must log in to post a comment.