crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Isma’il Raage – Tusaalaha nool ee Qarnigeenna! | HimiloNetwork

Isma’il Raage – Tusaalaha nool ee Qarnigeenna!

Muqisho (Himilonetwork) – Muqdisho waxay rafaadeysaa muddo ka badan 20-sano oo dagaallo ah, in badan oo dhalinyaradeeda kamid ahna waxay ku dhasheen qax iyo qalalaaso.
Carruurta naafada ah, si kastaba, waa kuwa wajahaya daranyada ugu halista badan, dayacaad iyo heliwaaga fursad siman oo baahida aas’aasiga ah.
Hayeeshe Ismaaciil Raage, oo 22 jir ah, naafanimadiisu kama horjoogsan yoolkiisa ah gaarista halka ugu sarreysa tacliinta sare – isaga oo ka qalin-badashay Jaamacadda Simad – halkaas oo marqaatiga koobaad uu ka helay Cilmiga Bangiyada iyo Maaliyadda.
Carruurnimadiisa, Raage waxaa asiibay xanuunka Dabeysha, kaas oo addimadiisa naafeeyey.
“Noqoshada qof naafo ah oo kusoo koray dal dagaallo ka jiraan, riyadaydu waxay ahayd inan adkeeyo guulaha noloshayda u qoran,” Raage ayaa u sheegay Laanta af-Soomaaliga ee VOA. “Ugu danbeyntii tallaabtii adkeyd waan soo gudbay.”
Naafada ku nool Somalia waxay ku sugan yihiin caqabado dhowr ah oo ay kamid tahay inaysan heysan fursad ay kaga qeyb qaadan karaan kaalintooda bulshada. Kuwa ayaa u arka inaysan gaari karin yoolkooda maadama aysan lahayn laxaad dhammeystiran.
Qoyska Raage waxay kamid yihiin tirada waalidiinta ah ee kahor yimid aragtida bulshada – iyaga oo wiilkooda u diray wax-barashada uu waligiisba jeclaa.

Wuxuu ka nabad-galay iska-hor imaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacayay kuwaas oo waddooyinka ku asiibay dad lugooda ku carari karay.  Hayeeshe, isugu waddada kaliya waa inuu u gurguuran jiray wax-barashadiisa.
“Marka dadku ay halista uga baxsadaan lugahooda, anigu waxan ahaan mid ku gurguurta goobta ugu dhow si aan ugu nabad-galo,” ayuu yiri Raage.
Wuxuu adeegsadaa gaariga cuuryaamada, balse magaalada oo jidadkeeda ciid badan tahay, waxay ku qaadaneysaa inuu xoog badan oo awooddiisa ah ku bixiyo si uu uga lib keeno dhaafista culeyska xadidi kara.
Ugu danbeyntii guushiisu waxay noqotay mid soo jiidata warbaahinta gudaha oo dhan toddobaadyadii dhawaa. Waxaana aad loogu bogaadiyay baraha bulshada.
Raage wuxuu balan-qaad wax-barasho ka helay MD hore ee Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud kaas oo marqaatiga labaad ee Jaamacadda qarashkeeda ka dabaray.
Balse mar kasta oo uu dib-u-celiyo halgankii  dheeraa, tallaabtiisii koobaad wuxuu ku halqabsadaa halyeygii u suura-geliyay inuu helo fursaddiisa wax-barashada Jaamacadda.
“Mudane Abdiraxman Odawaa wuxuu noloshayda ku leeyahay abaal aan tirmin iyo mahad naq aan duugoobin,” ayuu yiri. “La’aantiis ma awoodeen inan tijaabiyo awodda igu jirta haddii uusan i saamixi lahayn inan lacag la’aan ku dhigto Jaamacadda.”
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!