crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hooyo kaligeed ku guuleystay inay beerto in ka badan hal Milyan oo Geedo ah. | HimiloNetwork

Hooyo kaligeed ku guuleystay inay beerto in ka badan hal Milyan oo Geedo ah.

Muqdisho (Himilonetwork) – Yi Jiefeng, oo ah haweeney Shanghai ku nool ayaa ku guuleystay beerista malaayiin geedo yaryar dhulka Mangolia 14-kii sano ee lasoo dhaafay. Yoolkeedu waa dib u dhireynta Saxaraha Alashan – iyada oo sidoo kale ilaalinaysa xusuusta wiilkeedii geeriyooday 18 sano kahor.
Sannadkii 2000, wiilka kaliya ee Yi, oo lagu magacaabo ang Ruizhe, wuxuu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Japan, taasina waxay tiiraanyo ku reebtay hooyada. Hayeeshe waxay ugu danbeyntii heshay hab ay kula dhaqmi karto tiiraanyadaas – iyada oo nolosheeda u hibeysay rumeynta riyadii wiilkeeda.
Waxay ka sheekeysay qorshihiisa ahaa inuu geedo ku beero waqooyiga dalka Shiinaha – oo xad la leh dhulka Mangolia si uu u horjoogsado lama-degaanka kusii fidaya. Marka Yi waxay go’aansatay inay riyadiisa rumeyso
“Wuxuu ahaa qof dabeecadda jecel taniyo markii uu soo hana-qaaday,” ayay tiri. “Wuxuu aad uga walwali jiray cimilada dhulka, hawada, dhirta iyo noolaha.”
Yi iyo seygeeda waxay maal-geliyeen lacag ceymis oo qarashkeedu dhan yahay 30 milyan oo Yen – una dhiganta $270,000 – si ay ugu gogol xaaraan urur aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Green Life sannadkii 2003. Aqoon durugsan uma lahayn cilmiga beeraha iyo keymaha, sidaas darteed xagaagii koobaad dhir-beeristu waxay ka noqotay mid guul-darreysata.
Lammaanuhu ma aysan lumin rajada. Waxay tala-weydiisteen qubarada waaxda keymaha, wayna heleen waddadii iyo habkii ay u mari lahaayeen. “Markii aan dhirta abuurnay waxaa ku hooray roobkii loo baahnaa,” ayay tiri. “Waxay u muuqataa in ducada wiilkeenna ay la timid mira-dhal muuqda.”
“Taniyo markaas waxaan beeri jirtay geedo sannad kasta: roobkuna kama joogsan jirin. Tani waxay ka dhigtay heerka geeduhu ku samata-bixi karaan mid sarreysa.”
Halka hadafkii hore ee loo aas’aasay Green Life uu ahaa dhir-beerista, waxay durba u xuubsiibatay mashruuc ballaaran oo wacyi-gelin loogu sameeyo muwaadiniinta si ay ugu baraarugaan halista nabaad-guurka iyo  lama-degaanka.
“Bilowgii tani waxay ku bilaabatay riyo-rumeyn,” Yi ayaa u sheegtay CNN. “Hayeeshe in yar kadib waxaan garwaaqsaday in dalka Shiinaha uu wajaho halis xun oo nabaad-guur ah. Haddii xaaladdu sii xumaatana, sidee ayay 1.3 bilyan oo Shiinees ah ku samata-bixi doonaan? Sidaas awgeed, waxaan dareennay mas’uuliyad bulsho.”
Marka dakhligu uu is gaabiyo, caqabadda ugu weyn waa in Yi iyo seygeeda ay wajahaan lacag ururin. Waxayna taasi la gashaa maal-gelinta dakhligooda maalinlaha iyo xattaa iibinta labadii guri oo ay lahayeen si ay mashruuca ugu ilaaliyaan horusocod.
“Waayo fanka aan helno wuu xadidan yahay: howshu way badan tahay, qoondaduna kuma filna inay baahidaas daboosho,” ayay ku sharraxday. “Waxaan hadda jiraa 66 sano. Waxaanse maalintii oo dhan ka jiifsadaa 3-4 saacadood. Mararka qaar maba helo waqti yar oo nasiino ah.”
Tirada samafalayaasha la dhinac shaqeeya ayaa aad u kordhay taniyo sannadkii 2008. Badigood waa waalidiin carruurtooda dhinteen. Yi waxay ku faraxsan tahay in tiiraanyada hooyooyinkan ay sideeda oo kale kaga bogsan karaa wax-qabad weyn.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!