Haweeney danbi la yaab leh lagu oogay markii ay jabsatay e-mailka seygeeda.
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
January 2, 2018
463 Views
Muqdisho – Haweeney jabsatay koontada e-mailka seygeeda maadaama ay uga shakisay inuu naago kale xiriir hoose la leeyahay ayaa lagu soo oogay danbi, marka loo eego booliska Switzerland.
Haweeneydan ku nool Aargua, oo aan la heyb-sheegin, ayaa lagu qaaday danbi ah inay amar la’aan guda-gashay koontada markii seygu uu dacwad ka-dhan-ah u gudbiyay booliska.
Waxaa lagu oogay danbigeeda, waxaana lagu riday ganaax dhan $10,000.
Waxaa sidoo kale la amray inay mag-dhow ahaan u bixiso adduun dhan $5,000 oo ninkeeda la siinayo.
Marka loo eego baaritaanka booliska, lammaanaha ayaa is-qaba muddo dheer.
Guriga waxay ku wadaagaan hal kumbuyuutarka iyo cinwaan e-mail ah.
Markii haweeneydani ogaatay in ninku uu e-mail gaar ah sameystay, waxaa galay shaki weyn.
Markii seygu uusan guriga joogin, waxay bilowday inay baaritaan ugu dhaqaaqdo e-mailkiisa cusub kaas oo ka-agdhawaa midka ay wadaagaan – dhinaca nambar sireedka.
Waxaa la yaab ku noqday inay ogaatay haween badan inuu xiriir kala dhaxeeyo ninkeeda.
Markii uu guriga kusoo laabtay, waxay kala hor-tagtay qeylo iyo canaan.
Ninka oo ka carooday falka xad-gudubka ah oo ay afadiisa ku sameysay ayaa boorsadiisa kala baxay guriga.
Wuxuuna markaas kadib u yeeray booliska isaga oo kaga dacwoonaya in afadiisu ay jabsatay akoonkiisa.
Maxkamadda horteeda, haweeneydu waxay qiratay inaysan jabsan koontadiisa balse ay furatay oo kaliya maadaama ay nambarka sirta ah isla wadaagaan midkii hore ay u wada isticmaali jireen.
Si kastaba, garsoorka ayaa ka diiday sheegashadeeda.
Related
2018-01-02
You must log in to post a comment.