Gufaacada Dalalka UAE, KSA iyo Bahrain ee ku Jihaysan dalka Qadar.
Posted by: Zakariya
in Wararka
June 11, 2017
557 Views
Muqdisho (Himilonews) – Dalalka Carabta, ee geesta kale ee Khaliijka, waxay murqaha u fidsanayaan ma ahan midda ay coleytamayaan – Iiran, hayeeshe dhiggooda Carbeed. Xubnaha xukunka dalka Qadar haya waxaa lagu daray liis – ay horboodayaan dalalka UAE, Suadi Arabiya, Bahrain iyo Masar – kaas oo ku sifeynaya inay xiriir dhow la leedahay argagaxisada.
Imaaraadka Carabta oo ah mucaaradka ugu kulul ee isku horgudubtay siyaasadda Qatar, waxay hawadeeda ka mamnuucday duullimaadyada ku socda kana soo kicitima garoomada Qadar. Mamnuucistii horraysay waxaa kaliya lagu xannibay duullimaadyada Qatar Airways. Wadamada Khaliijka waxay sii wadaan dhantaalista xiriirrada ay la lahaayeen – iyo inay kusoo rogaan cuna-qabad.
Fogaan 5,000 kilomitir ka baxsan, madax-weynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan wuxuu qalinka saaray fulinta tiro kamid ah milatariga dalkiisa in loo daabulo Qadar. Labada dal ayaa isku af-gartay dhismaha xarun sal-dhig cusub xilligii booqashada Erdogan ee Doha. Jeedaalinta sida ay isku soo tarayso xaaladda diblomaasi ee lagu soo rogay Qadar, Ankara ayaa durba u diraysa ciidamo gaaraya 5,000 sal-dhigga miltari ee Doha. Labada dhinac ayaa rumaysan in daabulka ciidamani ay baajin karto fara-gelin military oo Qadar uga yimaada dalalka deriska.
Wasiirka arrimaha dibadda Qadar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman ayaa u sheegay al-Jazeera maalintii Khamiista in ciidanka Turkiga ee imaanaya Qadar aysan ula jeeddo ka aheyn amniga guud ee gobalka. “Xal military in lagu dhameeyo dhibaatadan abid madhacayso,” ayuu ka dhawaajiyay.
Ka caraysiinta go’aanka Erdogan uu ku garab istaagay Tamim al-Thani, Sucuudiga ayaa su’aal ka keenay sida Turkiga kaga go’an tahay dhex-dhexaadin. Waxaase lagu soo warramay in Erdogan uu ergo u diray caasimadaha dalalka Khaliijka.
Arrintani waxay ku bilaabatay dhac lagu sameeey wakaaladda wararka Qadar QNA bishii May 24 kaas oo baahiyay khudbadda Amiir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, laguna sheeganayay inuu ka jeediyay xafladda tababarka militariga. Amiirka ayaa si hadoodilan wuxuu u bogaadiyay xiriirka fiican oo Doha ay la leedahay Tel Aviv – isaga oo taageero siiyay ururka Hamas ee Falastiin. Warkan la isku maan-dhaafay ayaa sidoo kale sheeganaya in al-Thani uu xittaa soo jeediyay in madax-weyaha Maraykanka, Donald Trump laga yaabo inuusan kusii nagaan talada maadaama eedeymo sharciyaysan oo ku xiraya Ruushka ay jiraan.
Qadar ayaa iska diiday in Amiirku xittaa uu ka hadlay xafladda. “Kaliya wuu xaadiray madasha,” ayay caddaysay war-qoraal ay soo saareen. Waxayna xaqiijiyeen sida loo jabsaday mareegta QNA.
Warkan salka la’ wuxuu ka caraysiiyay jaarka Khaliijka iyo Masar. Caddaymaha Qadar ay soo jeedisayna waxaa iska diiday afarta dal kuwaas oo warbaahinta ka tilmaamay hadallo nac ah oo lagu fogeynayo hoggaanka Doha. Ol’olaha war-fidiyeenka oo hadba saacad soo tebinayay warar aan sal-dhig loo raaco lahayn ayaa qoyska maamula Qadar iyo xubnaha golaha wasiiradda ku hayay canbaarayn joogto ah.
Jeer iyo markaasna, dalalka deriska la ah sida; Suadi, UAE iyo Bahrain – iyo Masar ayaa xiriirka diblomaasi u jaray iyaga oo dhulkooda ka mamnuucay diyaaradda Qatar Airways. Waxaana muwaadiniinteeda ay u qabteen muddo 14 maalin ah inay kaga baxaan dalalkooda. Waxaa kale oo la saaray cuna-qabatayn dhaqaale.
Dalalka Kuwait iyo Oman ayaan raacin tallaabada UAE iyo Sucuudigu hoggaaminayaan ee ka dhanka ah Qadar.
Baroortu Orgiga ka weyn!
Dalka Qadar waxaa lagu yaqaan u furfurnaanta xisbiga Islaamiga, Ikwaanul Muslimiin kaas oo laga takooray badi dalalka Carabta marka laga reebo Jordan iyo Marooko. Erdogan oo la dhacsan – siiyana maal-gelin aragti-diimeedka ururka al-Ikhwaan ayaa sidoo kale ku raaxaysta xiriirka dhow ee uu la leeyahay qoyska maamula talada Qadar.
Waxaa intaas dheer, waxay isku dayday in Doha ay noqoto bar-kulan lagu xaliyo dhibta ka jirta dunida Muslimka iyo qaaradda Afrika. Waxay qeyb ku lahayd wada-hadallo nabadeed oo u dhexeeyey dhinacyada isku hayay Sudan, Soomaaliya – xittaa waxay xafiis siyaasadeed u furay kooxda Taliban.
Qadar kol hore waxay eriday tiro xubno loo arkayay halis inay ku yihiin dalalka deriska la ah. Eedeymaha ku tilmaamaya inay teegeerayso Hamas si xasillooni-darri looga dhaliyo Masar iyo sal-dhiga Shiicada ku kacsan bariga Sucuudiga ayaa xaaladda sii hurisay. In kasta oo aysan jirin rasmi ahaan caddaymo ayadi kara waxa lagu heysto, baraha bulshada ayaa loo adeegsaday in lagu dhiso jiha-qaldid ka dhanka Qadar. Dalka yar ee qaniga ku ah shidaalka ayaa wajahaya ol’ole kulul – balse dowladda ayaa kula talinaysa muwaadiniinteeda inaysan aflagaadayn madaxda iyo shucuubta kale.
Hurinta Trump
Tayyip Erdogan iyo Donald J Trump oo labaduba galgalka xooggan ku leh Khaliijka ayaa halhaleel ula kala saftay labada dhinac.
Ankara ayaa ugu yeeray kol hore midnimo Khaliijka –iyada oo sheegtay inay diyaar la tahay in xaaladda lagu soo celiyo heer la maarayn karo. Madaxa arrimaha dibadda, Cavusoglu ayaa tiri: “Turkigu wuxuu midnimada iyo wadajirka Khaliijka u arkaa midnimadiisa.”
Halka Qadar ay hoy u tahay sal-dhigga milatari ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe – kuna dhow 10,000 ciidan qalabaysa, Trump kama labalabaynin inuu la dhinac safto UAE iyo Sucuudiga. Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku yiri; “Waxay sheegeen inay diirad xoogan saarayaan kuwa maal-geliya argagaxisada; waxayna dhamaantood farta ku fiiqeen Qadar. Dabcan taasina waa bilowga dhamaad ee argagaxisada mayalka adag.”
Fara-gelinta aan la filayn inay soo sara kacdo waa Ingriiska. Waxaase xasaraddan ka faa’iidaya Moscow iyo Tehran. Dalalka Muslimiinta ah sida Pakistan oo xiriir fiican la wada leh Khaliij ayay u badan tahay inay dhex-dhexaadinta qeyb kala noqdaan Turkiga.
Hadda Qadar ayaan diyaar u ahayn inay isku dhiibo cadaadis diblomaasi iyo cunaqabdka ku dhegan. “Diyaar uma nihin inaan is dhiibno, diyaarna uma noqon doonno – madax-bannaanida siyaasaddeenna dibadda,” ayuu yiri wasiiradda arrimaha dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman.
Kol dhawaydna, Erdogan ayaa ugu yeeray Sucuudiga inuu muujiyo doorkiisa kaga aadan dunida Muslimka. Sida ay u yihiin hoggaanka labada Xaramayn ee barakaysan, waa inay umadda Muslimka ku matalaan dhex-dhexaad.
___________
Qore: Zakariya Xasan Maxamed – ahna qoraa iyo suxufi. Waa geyfane deegaaneed kaas oo qoray buugga Duur-joogteenna. Waana helaha mareegta http://himilonetwork.com://himilonetwork.com.
Related
2017-06-11
You must log in to post a comment.