crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Faallo: Saboolnimada iyo Siyaad-xumida. | HimiloNetwork
A handout picture taken on March 4, 2014 and released by the United Nations-African Union Mission in Darfur (UNAMID) shows a child eating lentils in a food distribution center in the Rwanda camp for internally displaced people (IDP) in Tawila, North Darfur. Thousands of people who have fled to displaced camps after renewed violence in Sudan's Darfur region are putting further pressure on an already stretched aid system, the United Nations said. AFP PHOTO/UNAMID/ALBERT GONZALEZ FARRAN ==RESTRICTED TO EDITORIAL USE - MANDATORY CREDIT "AFP PHOTO/UNAMID/ALBERT GONZALEZ FARRAN" - NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS - DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS ==ALBERT GONZALEZ FARRAN/AFP/Getty Images

Faallo: Saboolnimada iyo Siyaad-xumida.

Muqdisho (Himilonews) – Mahadhada ay reebaan abaaraha dalka kusoo rakaadma tirsiga gu’yaalaha is xiga waxay noqdeen kuwa iska daba yimaada dhowr sano kadibba. Dadka oo u badan xoola-dhaqato iyo dalka oo jugraafi ahaan ku yaalla dhul ooma-soore ah ayaa abaaraha u fududeeyey inay galaaftaan nolosha dad iyo duunyo badan marka ay ku dhiftaan geyiga dhan oo wadanka kamid ah.
Abaarihii dalka soo maray sida mar kasta ay uga tegi jireen saameyn xun ayay mar kasta usoo laaban jireen iyada oo aan lagala hor-tagin qorshayaal jawaab u noqon kara xalintooda. Magacyada hadba midda ku dhifata dalka loo bixiyo waxay muujinaysay ba’a ay ka tagtay iyo sida diifta ay dhigtay loogu basaasay.
Jiitama, Daba-dheer, Caga-barar iyo Soor-iyo-Biyo-waa waa qaar kamid ah abaarihii ba’naa ee ku dhiftay qeybo badan oo kamid ah dalka, kuwaas oo magacyadoodu ay kugu filan yihiin inay kuu sifeeyaan sida qaraar oo ay u galaafteen nolosha dad iyo duunyo.  Dib marka la rabo in loo raaco wixii ku baxay abaaraha, magacyada loo bixiyay ayaa ah hubka kaliya oo ay adeegsadaan hadba jiilka la nool mid ka duwan tii saameysay awowyaashiis. Nasiib-darrase, wax ka baxsan taariikh werin ku aadan abaaraha, hadba maamulladii jiray isku dayin inay sameeyaan. Dadaallada la xusuusto ee loogu gurmaday dhibanayaasha abaaraha waxaa kamid ah in waqtiga xukuumaddii Kacaanka ay soo daad-gureysay dad badan oo ku noolaa gobollada dhexe kadibna ay dib u-dejin ugu sameeyey gobollada koofureed ee dalka.
Hayeeshe marna ma dhicin in la isku dhigo casharrada qaraar ee ku dhasha gacmaheenna oo aan ku sababsannay abaaraha. Mana la arag wax ka dheer gurmad iyo gargaar loo fidiyo dadka marka ay abaaro ku dhacaan.
Is-weydiin la’aanta su’aasha malaga hortagi karaa abaaraha mise la baajin karaa ilaa xad ayaa la timid faham qaldan oo laga qaatay dhacdooyinka Rabaaniga ah. Dad badan waxay rumeysteen in abaaruhu yihiin astaan ama hibo gaar looga dhigay dunida saddexaad oo qeyb weyn ay ka tahay sedka adduunka noogula qoray.
Sideedaba, marka larabo in la ogaado heerka dhibaato oo aad ku dhex-jirto, lama eego dadka rakaadaya diif lamid ah midda ku heysata. Waxaa dib loogu noqdaa taariikhda kuwii kaaga horreeyey mushkiladda ku heysata oo ugu danbeyn ku guuleystay inay maareeyaan. Markaas ayaad, adiga oo qaadaya jid lamid ah ama xattaa ka duwan midkii ay u mareen xalka, isku dayi kartaa is-baddalka.
Dhagaxyada baqa-gelinta iyo niyad-jabka looga dhigay dalal badan oo Afrika iyo dunida soo koraysaba kamid ah ee u diiday inay jaraan xargaha fadhiidnimada, waxaa kamid ah fahamka qaldan ee laga dhaadhiciyay naftooda iyo inay helaan hoggaan ka madax-banaan aragtida Galbeedka oo majaraha u qabta.
Hayeeshe, badi madaxda Afrikaanka ah ee ku guuleystay inay fikrad xoraysan ula yimaadaan shacbigooda; kuna hoggaamiyaan falsafadda isku-tashiga iyo wax-qabsiga mayara tusaalayaashoodu.
In kasta oo mar kasta lala garab taagnaa xagal-daacin iyo hagardaamo gudaha iyo dibadda looga hayo, hadana waxay ku guuleysanayeen inay badalaan fahamka dadyowgoodu ka qabaan dhulkooda iyo naftooda. Shacbiguna waxay si fudud ula geddoomayeen hannaanka curdinka ah ee u tilmaamaya inay isku filnaadaan.
Mid kamid ah, hoggaamiyaashii ku guuleystay inay heeryada gumeysi-maskaxeed ka dul qaadaan dadkooda, waa Thomas Sankara oo ahaa madaxweyne da’yar oo talada dalka Burkina Faso soo qabtay.
Sankara, wuxuu laba sano wax ka yar ku suura-galiyay inuu dadkiisa ku jiheeyo wax-beerashada iyo inay ka maarmaan ku tiirsanaanta gacmaha shisheeye. Wuxuu ku guuleystay in dadkiisu ku noolaadaan waxa ay beerteen; ama sameysteen. Hayeeshe, guulihiisii bilowga ahaa waxaa soo dedejiyay gumeystihii Faransiiska oo dhibsaday fikirka Sankara uu ku abuuray quluubta dadkiisa. Waxaana qaarijiyay saaxiibkiisa ugu dhow kahor intuusan isku caleema-saarin booskiisa.
Markaas wixii ka danbeeyey, waxaa la tilmaamaa in Burkina Faso aysan helin hoggaan lamid ah Sankara oo dib ugu beera falsafadda isku filnaanta.
Dalka Suudaan oo mar ahaa wadanka ugu weyn qaaradda Afrika ayaa kamid ah tusaalayaasha. In kasta oo  cuna-qabateynta Galbeedku kusoo rogeen Sudan ay qeyb weyn ku leedahay go’aanka ay ku goosteen falsafadda caan baxday oo ah: Waxa aan cuneynaa waxaan beeranno; waxa aan xiranaynaa dharka aan suubsanno, hadana si lagu faani karo ayay yoolkaas u xaqiijiyeen. Waxaana ay dunida kale, siiba Yurub u tilmaameen inay xor u yihiin noloshooda. Kororka wax-beerashada iyo wax soo saarka dalkan oo aad u kobcay awgeed, waxaa la tilmaamaa in sanadihii ugu horreeyey oo lagu soo rogay cuna-qabateynta ay Masar oo kamid aheyd kuwii cuna-qabateynta ku hayay ka dalbatay inay raashiin ka iibiso.
Xukuumaddii Suudaan waxay oggolaatay inay dalabkaas fuliso  haddii Masar ay warbaahinteeda ku qorto inay iyaga ka dooneyso kaalmo. Markii ay adkeysan waayeenna, waxay oggolaadeen inay warbaahintooda ku qoraan – Suudan ayaan kaalmo ka rabnaa.
Maanta Sudan waa dal isku filan oo aan sida Afrikada kale u baahneyn mucaanimada iyo yabooha dunida Galbeedka. Ilaa xadna, dadkeedu waxay ka kaaftoomeen baahida aasaasiga u ah nolosha sida cuntada.
Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay yiraahdaan Suudaan waa dal wax-beerashada ku hodansan oo lagu naaneyso – Saladda Cuntada Carabta. Dabcan, innaguna haddii aan laba sinneyn kheyraad ahaan, kama hooseyno. Waxaase la isku dhaafay hadba nidaamka jira oo go’aamin kara inaan qaadno jid lamid ah midka ay qaadeen iyada iyo kuwa kale oo Afrika.
Tusaalaha kale ee dhawaan-galka ah – kaas oo caddeeya in siyaasaddu tirtiri karto fahamka qaldan ee laga qabo saboolnimada, abaaraha iyo gaajada, waa dalka Rwanda oo taniyo markii ay kasoo kabsadeen Xusuuqii ka dhacay 1994 ku tallaabsaday horumar dhanka nolosha ah.
15-kii sano ee lasoo dhaafay, Rwanda waxaa ka jiray horumar dhinac kasta la xiriira oo loogu jiro hadafka ay ku doonayaan inay ku noqdaan dalalka ugu horreeya nolol ahaan iyo dhaqaale ahaan qaaradda Afrika.
Hayeeshe inta maamulka hadba nasiibka u hela inuu majaraha u qabto Soomaaliya uusan si lamid ah dalalkan uga fikirin sare u qaadista, hagaajinta iyo qurxinta nolosha qofka muwaadinka Soomaaliga ah, su’aalo badan oo la xiriira haddii aad hibo u leennahay saboolnimada waxay noqon doonaan aragtiyo lasoo dhasha kolba jiilka soo hana-qaadaya.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!