Sirta Guusha Japan

Muqdisho (Himilonews) – Marka aad maqasho dalka Japan, durba waxaa kuu sawirma duni ku horumartay tiknoolojiyadda casriga ee maanta iyo dalka kamid ah kuwa ugu tunka weyn dhaqaalaha adduunka. Taasina ma ahan mid kugu cusub. Waayo ereyga Japan waxaad maqli jirtay taniyo yaraannimada. Hal-heyska ugu badanna wuxuu ahaa – wallaahi Nuuc minal –japan aa tahay, oo loola jeedo waxaad leedahay sifo kamid ha sifooyinka indha-yarta.
Markii aad soo garaadsatayna, waxaad aragtay agabyo badan oo hareerahaada yaalla oo lagu leeyahay waxaa laga keenay dalka Japan. Laga bilaabo sheyga ugu yar ee gacanta aad ku heyso sida rimuudka dhalada gurigiinna taalla iyo badi gaadiidka aad ku socdaasho sida Nissan, Toyoto iyo wixii soo raaca ayaadba sheegi kartaa. Waana taas sababta Japan ay kaaga soocneyd kuwa kale.
Hayeeshe, guusha caadyaalka kuu ah oo aad u qirayso in dalkani uu gaaray, kuma dhalan sida aad iska dhaadhicin karto oo ah inay kaliya xoogga saareen wax soo saarka dibadda si ay dunida ugu tiirsanaato.
Taas waxaa la oran karaa waa tallaabtii ugu danbeysay oo ay horay u qaadeen. Waxaana shalay iyo maantaba mudnaanta koobaad ka leh tallaabooyin gudeed dhexdooda kasoo hooyay guulo muuqda kahor intaysan guusha weyn ee dibadda taalla hantinin.
Mararka qaar waxaa la yiraahdaa muuqaalka kore aalaaba lagu qiimeeyo humaag gudeedka qof laabtiisa ku laba-geddoomaya. Waayo waxay kala dirayaan farriimo is diida. Balse marka aynu qaadanno murtida tiraahda; Weel walba wuxuu dhidhidaa inta qaadkiisu la’eg yahay, waxaan ka marag kici doonnaa in guulaha muuqda oo dalalka horumaray ay gaaraan laga qiyaas qaato sida uu ku eg yahay waaqiceeda gudaha.
Hadaba maxay tahay sirta qarsoon ee guusha Japan?!
Su’aashan had iyo jeer dunida kale ee Japan la tartama waxay u raadin jireen jawaabtii ku habboonayd. In kasta oo la og yahay in sirta sancada mashiinka ay Reer Galbeedka kala yimaadeen, hadana waxaa is-weydiin mudnayd sida dalkan dhaca Aasiyada shishe uu xowli uga tagay dunida kale – taas oo keensatay inay ugu yeeraan mid kamid ah toddobada meerayaal ‘Planet’ ee qorraxda ku wareegta. Waayo horumarkiisu wuxuu ka fiicnaaday dunida Galbeedka. Waxayna u tix-geliyeen hal-heyska ah Planet Japan.
Si kastaba, ra’iisul-wasaarihii Japan ayaa mar la weydiiyay sirtooda. Wuxuuse kusoo koobay saddex sifood; Cilmi, Camal iyo Akhlaaq.
Siinta ahmiyad weyn aqoonta iyo howl-galka ama wax-qabadka waa mid dunida horumartay ku hoggaamisay heerka ay maanta joogaan. Taasina waa Cilmi iyo Camal. Hayeeshe, dheeraadka dadka Japan u raacsan waa Akhlaaqda ama dhaqanka suuban.
Loolanka dunidu ku wada jirto waxaa kaliya ku guuleysta midka wax dheeri ah oo kuwa kale aan mudnaan weyn ugu fadhin noloshiisa qeyb mug leh kasiiya. Waana Japan tan dheeraadkaas dunida kale ku dhaaftay.
Dhaqanka suuban aalaaba waa mid kasoo fula niyada fiican, waana xittaa mid Eebe ku sifeeyey addoonkiisa Muxamed NNKH. Markii Suubanaha uu ahmiyadeeda ka hadli jirayna, wuxuu dhihi jiray: “Aniga waxaa la iisoo diray dhamaystirka akhlaaqda fiican.
Uma socda inan kuusoo gudbiyo akhlaaq qariib ah oo Japan ay dunida kusoo biirisay. Kaamana dhaadhicinayo inay yihiin kuwa loo dhalay xaggeeda. Waxaan kaliya kuu sheegi doonaa in haddii in yar aan akhlaaqda suuban iskaga taagno sida Japan iskugu taagtay hir-gelinteeda, aan noqon karno ummad dib u hoggaamin karta qeyrkeeda maanta ku wiirsanaya.
Si kastaba, aan mid mid kuugu kala dhig-dhigo akhlaaqiyaadka suuban ee laga bartay dadka ku nool dalka lagu naaneyso Dhulka Cadceeddu kasoo kaahdo.
  1. Waqtiga – Dadka Japan waqtiga uma sheegaan inuu muhiim u yahay. Waxay ku yiraahdaan; “Waa aniga midka kugu go’aansanaya muuqaalka aan rabo inaan bulshada ku dhex yeesho – adigu kolay iyo kolay ma joogsanaysid; aniguna kuuma hakanayo.”  Daqiiqad walba waa mid u xisaabsan. Waxay wax liita u arkaan wax dunida kale u taqaan nasiibo oo ah in wax ka badan 6-7 saac la jiifsado. Sidaas darteed, waqtigu wuxuu noqday mid gacantooda ugu jira maarayntiisa. Goobaha shaqadu waxay ku furmaan kuna xirmaan muddo waqtiyaysan. Gaadiidka la raaco waxay ku timaada aminta kuq oran jadwalka mana kasoo dib dhacaan daqiiqad.
  2. Ixtiraamka – Waxa la yaabka leh waa in dadka Japan lagu sifeeyo umad huwan qadarin dabiici ah. Waxay caado ahaan – madaxa u raariciyaan ama u rukuucaan – qof walba muwaadin iyo shisheeye oo dalkooda jooga. Cunsuriyaddu boos kuma lahan gudaheeda. Dhoolla-caddayntu waa hadyadda ay maalinle u bixiyaan. La macaamilka qofka macmiilka ah, haddii badi dadkeennu qadarinta ugu weyn ay u yaqaanniin dhoolla-caddaynta, iyagu waxay qofkooda martida ah inta uu ka libdhayo ama mirqayo ula istaagaan gacan haatis – nabad-gal iyo niyadsami u taagan. Goobaha wax-barashada iyo shaqooyinka ayaa ah kuwo ixtiraam buuxa uu ka jiro. Ardayga Japan, marka la rabo in loo yeero, waxaa magaciisa laga horumariyaa Ustaad, Mudane, Aqoon-Yahane, I.w.m oo loogu muujinayo heerka uu bulshada ka joogo iyo kaalinta mustaqbalka looga fadhiyo.
  3. Amaanada – haddii aan ku iraahdo tuugo wax dhacda lagama yaqaan gudaha Japan, fadlan ha i saluugin. Umad walba waa sida loo leyliyo naf ahaan iyo sida loo soo ababiyo markay abaydinka yihiin. Bilowga hore ee dugsiga ilmaha la keenayo, waxyaabaha ugu weyn ee kobciyo waxaa kamid ah ilaalinta balanta iyo amaanada. Waxaa loo tilmaa in qofna xaggiisa uusan mudnayn in qofka loo weydaariyo. Waxay leeyihiin hal-ku-dheg ah: Nothing gets lost in Japanwaxba kuma lumaan Japan gudaheeda. Mana ahan mid ku xiran ilaalida kaamirooyin gaaf-meer looga dhigo jidadka iyo xarumaha waaweyn oo qofka ku qaada inuu qasab ku celiyo baadida uu helo. Maya waxaa celinaya dareenka qalbiga. Mid walba oo baadi ka hela meel, wuxuu isku dayaa inuu kii lahaa ku gacan simo – haddii uu waayana uu ugu dhiibo laanta ama xarunta boolis ee u dhow. In qofku damiirkiisu celiyo ayaaba ka sharaf badan in amiirka uu ka cabsoodo. Waana dhibta ina haysata. Markii Nabiga la su’aalay goorta Qiyaamuhu dhacayo, wuxuu yiri; haddii amaanada la dayaco. Maantana is-weydiin uma baahna in amaanadu sugan tahay iyo in kale!
  4. Shaqaalaha nadaafadda – Tani waxaan u dhigay gaar. Waayo waxaan ogahay siday xasaasi u tahay marka la joogo Afrika. Sideedaba, dal bilic leh iyo dad caafimaad qaba, waxaa dhalin kara howl-adag oo ay hagar la’aan ku qabtaan nadaafadleyda. Heerka deegaan quruxsanaan ee dunida isku dhaafto waxaa mar kasta laga fiiro qaataa, heerka ixtiraam iyo qadarin ee la siiyo shaqada iyo shaqaalaha nadaafadda. Japan dabcan waa dalka ugu fiican ee la dhaqanka nadaafadleyda horumar qaaya leh ka gaaray. Ugu horreynba, magaca loogu yeero ma ahan midka dunida kale laga yiraahdo. Waxaa lagu sifeeyaa Hindiseyaasha Caafimaadka – sanitary engineers. Xittaa kamid ah noqoshada shaqaalahan, waxaa loo galaa leyli, imtixaan iyo tijaabo caafimaad oo haddii aadan kusoo bixin aan lagu qaadanin. Waxaa intaas dheer, mushaharka Hindiseyaasha Caafimaadka wuxuu ka badan 8,000$ bil walba. Taasi waxay keentay in shaqada ay hayaan noqoto mid kamid ah kuwo ugu qiimaha badan oo la jecleysto kamid ahaanshaheeda. Sidoo kale, shaqaalaha dhismaha iyaguna waa lamid ah. Dadaalka kasta oo lagu ilaalinayo badbaadadiisa iyo micno kasta oo loogu muujinayo qiimihiisa ayaa loo hibeeyaa.
  5. Qashinka iyo bulshada – Waxa sida gaarka ah ii xiisa-geliyay intii aan sheekooyinkeeda sired raadinayay, waa kalmad cajiib leh oo ay ku yiraahdeen – Japanese garbage doesn’t smell – Qashinkeennu ma uro! Urta iyo kamkamka kasoo haada qashinka tuban meelo badan oo magaalada kamid ah waxay kuu diidi karaan inaad iska diido in qashinba uusan uri karin. Laakiin haa – qashinku ma uri karo, haddii aan urta lala doonin. Micnaha, wax walba oo qoyaan uu ku laran yahay, waa kii soo ura. Mid kasta midka uu ka qoyaan yar yahay ayuu ka ur yahay. dadka Japan marka laga fogeynayo qashinka, ur la kohdo kama soo baxaan. Waayo marka horaba, walxaha laga fogeynayo waa kuwo laga soocay dareere kasta o our ku keeni lahaa!
  6. Wax-aqriska – Siinta ahmiyadda cilmigu u baahan yahay waxay ku timaadaa aqriska badan. Aqrisku waa tallaab ay umaduhu isku dhaafeen. Japan waa halka laga qadariyo. Jahligu boos kuma lahan dhexdeeda. Waayo qof kasta waa aqriye aan meel iyo muddo cayiman ku xirin. Kasoo tag dugsiyada iyo maktabadaha – laga bilaabo gaadiidka la raaco, goobaha lagu kulmo iyo xittaa dibjirtu waxay aqriyaan in badan. Waxaad, mararka qaar, arkaysaa dad meel wada socda badigood buugaag sare joog ku aqrisanaya.
  7. Baahiyaha gaarka ah – Umad walba oo meel ku wada nool waxay wada qabaan baahi. Waxayse ku kala duwan yihiin nuucyada baahida haysa. Dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo lixaadkoodu wax ka dhiman yihiin, Japan waa dalkii ugu horreeyey ee u sameeyey hindise ah inay iskood iskugu filnaadaan. Qofka aragga la’ wuxuu min guriga ilaa goobta shaqo ama wax-barasho u danaystaa kaalmo la’aan. Waxaa loo sameeyey jidadka u gaar ah oo ay maraan taniyo sanadkii 1974-kii, kolkaas oo dowladdu ay jideysay in waddo kasta marin looga sameeyo dadka araga la’ kadib markii haweeney indhool ahayd uu dardaray tareen kol ay rabtay inay ka gudubto dhabbe bireedkiisa.
Tusaalayaasha badan ee muujiya akhlaaqda dadka Japan wax yar ayaan kasoo garoocday. Waxaase hubanti ah inay intaas ka badan ku dhaqmaan. Dadka qaar waxaa laga yaabaa inaysan aad usii macaansan nuxurka sheekooyinkan.
Balse haddii aan sideeda oo kale u dhaqan-gelino yeermada Alle iyo Nabigiisa Muxamed, waxaa shaki uusan ku jirin in guusha aynu kasoo hoyno akhlaaqda suuban oo aan iskula dhaqanno ay bilow u noqon doonto guul lama filaan ah inaan dunida kale kaga yaabsanno muddo kooban gudaheed. Marka yaynan fiirinin wax soo saarka Japan ee aan isku dayno inaan wax ka barano sirta nololeed ee bulshadeeda.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!