Fannaanaddii dhawaan muslimtay oo soo qaaday Aadaanka Salaadda.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
October 31, 2018
449 Views
DUBLIN (Himilonetwork) – Fanaanaddii caanka aheyd oo dhawaan qaadatay diinta Islaamka ee Sinead O’Connor, taas oo hadda la baxday magaca Shuhada’ Davitt ayaa soo qaadatay yeermada salaadda ama ‘aadaanka’ – tallaab aragtiyo kala duwan ay ka bixiyeen dadkii daawaday.
Waxyar kaddib salaaddii Jimcaha, Masjidka Weyn ee Ireland waxaa Shudaha Davitt ay ka qaaday Aadaanka salaadda – iyada oo la arkay inay la qiiroonayso ku dhawaaqista kalmada qaar ee ku jira Aadaanka – sida Shahaadada, magaca Suunaha NNKH iyo Allahu Akbarta.
Muuqaal fiidiyowga ah oo laga soo qaaday ayaa soconaya ku dhawaad 2 daqiiqo. Waxaana hareeraheeda taagan jamaacada Masjidka oo isugu jira rag iyo dumar; carruur iyo waayeello.
Isbuucii hore ayay fanaanaddani barteeda twitter-ka ku sheegtay inay qaadatay diinta Islaamka.
Balse inay ku luuqeyso Aadaanka ma ahan mid dhammaan ay soo wada dhaweeyeen dadkii daawaday muuqaalka.
Halka qaar badan ay ku tilmaameen jaceyl iyo xiiso ay ku heyso ku macaansiga kalmada naxariista leh ee ku jira yeermada salaadda, qaar kale ayaa ku tilmaamay tallaab aan habbooneyn.
“Waa Muslim hadda un soo galay diinta, wax badanna kama oga waajibaadka qaar ee Islaamku farayo. Marka waqti hala siiyo oo yaan la isku xukminin.”
Related
2018-10-31
You must log in to post a comment.