MUQDISHO (HN) — Ku dhawaad 200 oo xubnood oo kamid ah ehellada dadkii lagu laayay Xasuuqii Christchurch ee dalka New Zealand ayaa lagu casuumay duullimaad bilaash oo ay kusoo gutaan acmaasha xajka ee sannadkan.
Sheikh Abdulladif al-Sheik oo ah wasiirka arrimaha Diinta Islaamka, ayaa yiri; ‘Waxaan casuumnay walaallada si aan ula qeybsanno tagtada wixii k,u beermay; sidoo kale-na aan ula dirirno Islaam-naceybka iyo gabood-falayaasheeda.”
“Waxaan inta karaankeenna ah dhimaynaa laxawgii kaga yimid dhimashada ehelkii ay jeclaayeen,” ayuu sii raaciyay.
15 bishii March ee sannadkan ayaa Masjid ku yaalla Christchurch waxaa lagu dilay ku dhawaad 51 qofood oo Muslimiin ah.
Wasiirka ayaa intaas kusii daray inay fududeynayaan dhammaan adeegyada ay xujeydani u baahan yihiin inta lagu jiro gudaha acmaasha Xajka.
Muslimiinta New Zealand ayaa 1% waxay ka yihiin tirada dadweynaha dalkaas. Waxaase kusii badanaya soo-galootiga u badan Muslimiinta kuwaas oo si la mahdin karo qeyb uga jira horumarkeeda.
You must log in to post a comment.