crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dubai – Marka Seygaadu uusan kuu IDMIN inaad fiiriso Moobilkiisa. | HimiloNetwork

Dubai – Marka Seygaadu uusan kuu IDMIN inaad fiiriso Moobilkiisa.

Dubai (Himilonetwork) – Maxkamad ku taalla Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan haweeney ku riday xukun saddex bilood oo xarig ah kaddib markii seygeeda uu ka gudbiyay danbi ah inay fiirisay moobilkiisa isaga oo aan u idmin.
Warqad dacwo oo laga qoray seyga ayaa lagu sheegay in haweeneydan ay caadeysatay habeen walba markuu ninkeedu seexdo inay dhammaan sirta ku dhex jira telefoonkiisa sida sawirrada, sheekooyinka uu la wadaagay asxaabtiisa iyo dhanbaallada ay isku diraan ay ku xawilan jirtay moobilkeeda si ay xaaladdiisa ula socto.
Seygu wuxuu sidoo kale ka cawday in afadiisu ay sirtiisa la wadaagtay walaalladeeda iyada la dhashay. In kasta oo haweeneyda ay isku difaacday in seygeeda uu horraan u siiyay nambarka sirta ee moobilkiisa – maadaama hadda kahor ay ku qabatay isaga oo la haasaawaya haweeney kale – haddana maxkamadda ayaa ku heshay danbiga lagu soo eedeeyey.
Seyga ayaa gal-dacwadeedkiisa u gudbiyay maxkmadda, booliska ayaana markaas kaddib ku amray afadiisa inay timaado sal-dhiga si su’aalo loo weydiiyo. Kiis la xiriira ka xad gudubka gaar ahaanta qofnimo ‘qusuusiyaadka’ u degsan Imaaraadka – kaas oo dhigaya in lammaanaha is-qaba aysan iskaga xad-gudbi Karin waxyaabaha u kala goonnida ah sida moobillada, kumbuyuutarka iyo wixii la halmaala; bilaa amar la’aan – ayaa lagu soo oogay. Kiiskani wuxuu maxkamdda imaan karaa oo kaliya haddii mid kamid ah lammaanaha uu dacwad kazoo gudbiyo dhiggiisa.
Kiiska waxaa kol hore la hor geeyey maxkamdda, balse tallaabadani waxay dhalisay kala duwanaansho xagga aragtida ah oo baraha bulshada ku baahday. Halka dadka qaar ay sax ku tilmaameen go’aanka ay maxkamaddu ku riday haweeneyda, qaar kale ayaa tan ku tilmaamay mid aan loo baahneyn inay bannaanka usoo baxdo – iskaba daa in la isku maxkamadeeyo.
“Way u qalantaa in la xiro.. Yaa ku yiri fiiri moobilkiisa bilaa fasax,” ayuu soo qoray mid kamid ah dadkii taageersanaa go’aanka maxkamdda.
“Haddii aysan wax shaki ah ka qabin xaggiisa, miyay baari laheyd moobilkiisa? Miyaanay ceeb ku aheyn inuu xaaskiisa jeelka u dhigo wax iska sahlan.” ayuu mid kale ku diiday tallaabada seyga.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!