MUQDISHO (HN) — Wiil kasoo jeeda dalka Hindiya ayaa lagu soo eedeeyey inuu dhagray hooyadiis kadib markii uu muddo saddex maalmood oo xiriir ah ka soomay cunnada si loogu iibiyo iPhone.
Muuqaal fiidiyow oo laga soo duubay wiilkan isaga oo jooga dukaan lagu iibiyo mobillada ayuu ku qiranayaa inuu ka soomay cunnada si uu hooyadiis ugu cadaadiyo inay iPhone u iibiso!
Hooyada oo goob macbadkooda ah (Bagwan) ku iibisa ubaxyada ayaa ah danyar nolosheeda ku maaraysa xoogsiga. Wejigeeda ayaa si qoto dheer looga aqrisan karaa halgankeeda nolosha iyo beer-nugeylka hooyanimo oo ay inankeeda la dhinac taagan tahay!
Wariye lagu magacaabo Abhishek oo muuqaalkan soo dhigay bartiisa X ayaa aad ugu baahay baraha bulshada, waxaana daawaday malaayiin dad ah. Doodo u badan aragtida hooseysa ee jiilka cusub ay nolosha halgankeeda ka heystaan ayaa laga dhiibtay fiidiyowga.
You must log in to post a comment.