crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dal laga mamnuucayo Xafladaha Dhalashada in lagu dhigto Meel-ka-baxsan Guryaha. | HimiloNetwork

Dal laga mamnuucayo Xafladaha Dhalashada in lagu dhigto Meel-ka-baxsan Guryaha.

MUQDISHO (HN) — Dalka Tajikistan wuxuu u muuqda dalka kaliya ee si rasmi ah mamnuuc uga dhigay in xafladaha dhalashada lagu sameysto meel-ka-baxsan guryaha dunida oo dhan. Waxaana qoyskii lagu helo inay ku xadgudbaan sharciga lagu ciqaabayaa ganaax adag.


Firusa Khafizova,  oo ah xiddig caan ah ayaa noqotay qofkii ugu danbeeyey ee lagu helo ku-xadgudubka sharcigaas kaddib markii ay baar ku dhigatay xafladda dhalashadeeda, waxaana lagu ganaaxay lacag dhan $530.

Marka loo eego xeerka iyo sharciga dalka Tajikistan, waxaa mamnuuc ah in xafladaha dhalashada lagu dhigto meel ka baxsan guryaha qoysaska.

Xubnaha qoys walba uu ka kooban yahay waxaa laga rabaa in xafladda dhalashadooda ay ku dhigtaan gurigooda, iyaga oo ku martiqaadaya ama ay kala soo qeyb-gali karaa saaxiibadooda.

Si sharciga dhaqan-gelintiisa loo hubsado, saraakiisha ayaa xittaa dhaqdhaqaaqa xafladaha dhalashada kala socda baraha bulshada si ay u hubsadaan in meel aan ka aheyn guryaha aan lagu qabsan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!