MUQDISHO (HN) — Baar la yiraahdo izakaya oo ku yaalla dalka Japan ayaa wajahaya dhalleeceymo kulul kaddib markii uu macmiishiisa u bandhigay qorshe ismaandhaaf abuuray oo ah in qofka maqaayadda soo gala dharbaaxo kulul lagu dhufto kahor inta aan loo dalbin cunnada.
Maqaayadda Shachihoko-ya izakaya oo ku taalla degmada Nagoya waxay qofka macmiilka ah ugu shaqeynayaan marka uu aqbalo dharbaaxo inay la dhacayaan dumarka ka shaqeeya xaruntooda. Qorshahan oo sida la sheegay kor u dhigay tirada macmiisha, wuxuu soo jiitay indhaha dad badan oo qaarkood quudaraynaya inay ka warjeriyaan waaya’aragnimadan xanuunka badan!
Markii hore hal qof oo kaliya ayaa shaqada dharbaaxada u qaabilsaneyd maqaayadda. Balse markii xiisaha loo qabo dharbaaxada ay korortay, waxay maamulka ku qasbanaadeen inay shaqaaleysiiyaan gabdho badan. Waxaa weliba yaabka yaabkiisa ah in dhirbaaxadu aysan bilaash ahayn oo qofku uusan dharbaaxo heli Karin ilaa uu ka bixiyo lacag. Halkii dharbaaxsho waxay qiimo ahaan ku kacaysaa 100 yen (90 cents).
Weliba waa qiimo dheeraad ah marka uu qofku dooranayo gabadha dhabankiisa la dhacaysa dharbaaxada. Wuxuuna bixinayaa 500 yen oo ah lacagta Japan. Adeeggan ayaa soo jiitay indhaha dumarweynaha iyo raga Japan – iyo sidoo kale shisheeyaha dalxiisayaasha ah ee ku sugan dalkaas.
“Dharbaaxada midda ugu kulul ayaa ah tan ugu macaan,” ayaa lagu yiri warbixin ay qortay Liberty Times Net. “Waxayba dareemayaan xasilooni iyo raaxo marka lala dhaco. Waxayna u mahadcelinayaan qofta dharbaaxda.”
Ma cadda haddii maqaayadda izakaya ay joojisay qorshahan. Balse waxay weli u muuqataa arrin soo jiidanaysa dad badan.
You must log in to post a comment.