Muqdisho (Himilonetwork) – Markii ugu horreysay oo aan meel ka baxsan dalka kula kulmo da’yar tahriib u geyfan waxay ahayd sanadkii hore kolkii wiil yar oo kasoo jeeda qoys nolol ahaan iska ladan aan kula kulmay magaalada Nairobi. Wuxuu safar qarsoodi ah – isaga oo caafimaad qaba – uga soo anba-baxay magaalada Muqdisho. Nasiib-darro wuxuu yimid Kenya isaga oo la ...
Read More »Wararka
Maxkamad furriinka lammaanaha ku xiraysa inay galaan imtixaan.
Muqdisho (Himilonetwork) – Furriintu ma ahan wax fudud, hayeeshe wuxuu kasii adag yahay Maxkamadda Yibin People’s Court oo ku taalla gobalka Sichuan, halkaas oo hal garsoore uu dhawaan dhaqan-geliyay imtixaan furriin oo labada lammaane ay qasab tahay inay ku dhacaan si codsiga furriinkooda uu ku ansaxo. Imtixaan furriinku waa fikrad uu lahaa Wang Shiyu – oo ah garsoore kamid ah maxkamadda Yibin, ...
Read More »Kaalinta Bukaan-la-roorayaashu ay kaga jiraan gargaarka deg-degga ah.
Muqdisho (Himilonetwork) – Dad badan waxay aalaaba anbalaasta ku qeexaan gaadiid afar lugood leh oo loo adeegsado in lagu daabulo dhaawaca iyo kuwa xanuunsan. Xaqiiqdii, ereyga ambalaas waxaa loo qeexi karaa mid guda ballaaran. Kuma koobna oo kaliya gaari dhigaha kore ku sita codbaahiye iyo ganbaleel – dhexdana uga cabaysan qalabkii lagula tacaali lahaa dhibanaha u baahan gargaarka degdegga ah. ...
Read More »Dhibta iyo halista xilliyada roobka ka curtaan geyigeenna.
Muqdisho (Himilonetwork) – Tilmaamaha laga bixiyo aragtida dhiiqada iyo wasaqda xilliyada roobku curto waxay u muuqdaan inaysan kala fogeyn. Dadka oo la qabsaday iyo maalmaha yar ee dhiiqada iyo uskaga ka dhasha oo in yar kaddib ku idlaada oogada dusheeda ayaa ka dhigtay in mowduuca dhiiqada iyo wasaqda xilliyada roobka aan aad loo faaqidin. Wax caadi ah ayay iska noqotay ...
Read More »Sida loogu aflaxay Mashruucii Ol’olaha Horumarinta Reer Miyiga.
Muqdisho (Himilonetwork) – Guulaha ilaa iyo maanta muuqda ee dowladnimadii burburtay ee Soomaaliya laga dhaxlay waxaa had iyo jeer dib loogu celiyaa wax-qabadka Xukuumaddii Kacaanka ee Jaalle Siyaad Barre. Kahor af-ganbigii dhacay sanadkii 1969-kii, waddanka kama jirin horumar la taaban karo oo laga sameeyey kaabayaasha nolosha. Habka siyaasadeed ee waagaas oo ku sifeysnaa musuqmaasuq iyo qabyaalad iyo dadka oo aan ...
Read More »Nin 145 Shahaado Jaamacadeed ah ku hantay muddo 30 sano ah.
Delhi (Himilonetwork) – Professor VN Parthiban, oo wax ka dhiga magaalada Chennai ee dalka Hindiya wuxuu qaatay 145 degree jaamacadeed ah 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Mana lahan qorshe uu ku joojiyo wax-barashada waqtiga nolosha uga dhiman. Safarka tacliintiisa wuxuu ku bilowday halgan adag. Wuxuu ahaa mid aan dheehin dhugashada habboon ee wax-barashada, wuxuuna ku dhacay imtixaanno iyo mashruucyo badan. Markii ...
Read More »Thailand – Nin guursaday 120 xaasas
Bangkok (Himilonetwork) – Godadlenimada waa sharci-darro gudaha dalka Thailand, hayeeshe taasi kama joogsan Casanova inuu 120 xaasas guursaday, dhalayna 28 carruur. Waxa qeyrul-caadiga ah waa in dhammaan xaasasku ay is wada garanayaan. Tambon Praset, guddoomiyaha degmada Phromee, gobalka Nakorn Nayok – 90 km u jirta Bangkok, waxaa dhawaan lagu qabsay inuu qirto 100 haween ka badan inuu guursaday, kadib markii ...
Read More »Lakulan – Haweeney aan Raashiin cunin muddo 60 sano.
New Delhi (Himilonetwork) – Saraswati Bai, oo 75-jir oo Hindiya ku nool waxay sheegataa inaysan cunin cunno – bariis iyo wax kale oo engegan – 60-kii sano ee lasoo dhaafay. Marka laga yimaado hal moos toddobaadkiiba – oo waliba ay marmar cunto – waxay kaliya ku nooshahay biyo iyo shaah. Saraswati waxay xusuusan tahay inay cunno fiican qaadan jirtay kahor ...
Read More »Lakulan – Ninka badbaadiyay nolosha 700 Eeyo ah.
Beijing (Himilonetwork) – Zhou Yusong waxaa looga yaqaan ‘Ilaaliyaha Eeyaha’ magaaladiisa Zhengzhou, gobalka Henan ee dalka Shiinaha. Qalbi-nuglahan wuxuu 8 sano oo cimrigiisa kamid ah ku bixinayaa badbaadinta eeyaha laga danaystay – isaga oo gabaad iyo gargaarba ugu fidiya hoygiisa. Sheekadiisu waxay bilaabatay sanadkii 2008-da, markii Zhou Yusong uu ogaaday eeyaha dhaawacan oo waddada dhinaceeda jiifa. Waxaa jug siiyay gaari, ...
Read More »Ban-dhigga Buugaagta oo maalintii 2aad socda.
Muqdisho (Himilonetwork) – Maalintii labaad waxaa Muqdisho ka socda ban-dhiga buugaagta ee Mogadishu Book Fair kaas oo maalintii shalay ahaa soo bilowday. Sida caadadu ahayd, bandhigga maanta wuxuu isugu jiray khudbado kookooban, fikir is-weydaaris, falan-qeynta mowduucyada bulshada la xiriira iyo ugu danbeyn booqashada buugaagta ay qoreen qorayaasha. Kulanka waxaa kasoo qeyb-galay aqoon-yahanno maalintii labaad ku qornaa jadwalka kuwaas oo mowduucyada ...
Read More »