Stochlom (Himilonetwork) – Goolhayaha ciyaartoyda xulka qaranka Sweden ee ka yar da’da 19-jirka, Ronja Andersson, ayaa kaddib sannado badan oo ay baranaysay diinta Islaamka ugu danbeyntii muslimtay. “Waan ku faraxsanahay inaan Muslim ahay,” ayay ku tiri waraysi ay siisay wargeyska Aftonbladet. Andersson, oo kamid ah xulka gabdhaha kubadda cagta Sweden ayaa sheegtay inay la qabsatay barashada Islaamka markii ay jirtay da’da 15 sano. ...
Read More »Dunida Muslimka
Ogow 25-ka Dal oo leh aqlabiyad Muslimiin ah.
Washington (Himilonetwork) – Muslimiintu waxay ku jiraan booska labaad ee qoyska ugu ballaaran dunida kaddib diinta Masiixiga. Waxaa lagu sheegaa inay dhan yihiin 1.8 bilyan. Islaamku sidoo kale waa diinta ugu faafista badan adduunka, sida lagu sheegay cilmi-baarista ay sameysay Pew Research Center. Iyada oo soo xiganaysa Buugga Xaqiiqooyinka ee CIA-da, Fogaan-aragga CBN News ayaa soo tixay dalalka ugu badan ...
Read More »6 jir iyo 75 jir oo Qur’anka oo dhan dusha ka xifdiyay.
Delhi (Himilonetwork) – 75-jir Muslimad Hindiya u dhalatay ayaa noqotay haweeneydii ugu da’da weyneyd bulshada ay ku dhex nooshahay ee dusha ka qeybta Qur’anka oo dhan kaddib 7 sano oo ay baranaysay – halka 6 jir iyadna ku nool magaalada Bengaluru ay guushaas oo kale gaartay. “Xalka dhibaatada dunida taalla oo dhan waxaa laga helayaa Qur’anka,” ayay 75-jirta lagu magacaabo Radiya Vaziri, u ...
Read More »Muslimad ‘salaan ay diiday awgeed’ loogu diiday dhalashada Faransiiska.
Paris (Himilonetwork) – Haweeney u dhalatay dalka al-Jeeriya oo diiday inay gacan-qaado ‘salaanto’ saraakiisha laanta jinsiyadaha xilli ay socotay waraysigeeda muwaadinnimada lagu siinayo ayaa loo diiday inay hesho dhalashada dalka Faransiiska, sida ay xukuntay maxkamadda ugu sarreysa dalkaas. Dowladda ayaa sheegtay in ficilka haweeneydan uu muujinayo inaysan ku milmi karin dhaqanka Faransiisku adeegsado ee ‘assimilation’. Haweeneydan ayaase ku dooday inay ...
Read More »Muslim diiday inuu Timaha u jaro Gabar yar oo Dacwad laga gudbinayo.
Sydney (Himilonetwork) – Tima-jare ku nool dalka Australia ayaa aad uga niyad xun kaddib markii ay dacwad ka gudbisay haweeney sheegtay inuu bahdilay gabadhiisa maadaama uu ka diiday inuu timaha u jaro. Sam Rahim, oo ah aabe laba carruur ahi u joogaan, wuxuu xarun timaha lagu qurxiyo ku leeyahay xaafadda Hunters Hill ee magaalada Sydney. Rahim oo muddo badan madaxa usoo ...
Read More »Wasiir ku baaqay in WhatsApp la iskugu sheego Aadaanka Salaadaha.
Accra (Himilonetwork) – Wasiirka kamid ah wasiirrada dalka Ghana ayaa ugu yeeray Muslimiinta ku nool gudaha waddankiisa inay aadaanka codaysan ee codbaahiyaha laga yeeriyo ay ku bedelaan farriimaha gaagaaban ee la iskugu diro WhatsApp-ka – dhawaaq in badan ay ku tilmaameen mid laga xumaado. “Wax dhib ah kuma qabo aadaanka Muslimiintu ay iskugu yeeraan salaadaha, waayo Kirishtaankuba waxay adeegsadaan codbaahiyaha marka ...
Read More »Muslimiinta Philadelphia oo daryeel caafimaad oo ‘free’ ah u sameynaya Danyarta.
New York (Himilonetwork) – Muslimiinta Maraykanka ee ku nool Philadelphia ayaa maalintii Axadda ahayd furay xarunta caafimaad oo si lacag la’aan ah loogu dabiibo dadka danyarta ah iyo saboolka. “Ugu danbeyntii waan furnay albaabada, waxaana aynu sheegi karnaa inaan lamid nahay kuwa nala midka ah,” Dr. Ammar Shahid, oo agaasime ka ah Xaruntan lagu magacaabo SHAMS ayaa u sheegay saxaafadda. “Waxaan ...
Read More »London – Muslim toddobaadle u quudiya 300 oo darbi-jiif ah.
London (Himilonetwork) – Berri waa Khamiis. Sidaas awgeed, Naeem Qureshi, wuxuu ku jiraa diyaarinta cuntadii uu siin lahaa kumaankun darbi-jiifta ah ee ku sugan London. “Waxaan aragnay dad badan oo hunguri aan heysan, marka aniga iyo cunugayga waxaan ka wada hadalnay inaan wax ka qabano. Waana markaas kolkii aan shaqadan guda-galnay,” ayuu yiri. “Shan bilood ayaa hadda laga joogaa taniyo markaas. ...
Read More »Austria oo qorsheynaysa in Iskuullada laga mamnuuco xirashada Xijaabka.
Vienna (Himilonetwork) – Muslimiinta Austria ayaa canbaareeyey qorshe cusub oo ay ku dhawaaqday xukuumadda midigta cusub kaas oo la xiriira in gabdhaha ka yar da’da 10 jirka ah laga mamnuuco inay xijaab usoo xirtaan iskuullada. “Hadafkeennu waa inaan u istaagno sababaha xadidi kara horumarka bulshadeenna ka jira. In gabdhaha laga mamnuuco xirashada xijaabkana waa qeyb kamid ah,” ayuu yiri Kurz. Marka ...
Read More »Qelin jebintii Geerida: Boqol carruur ah oo lagu laayey dalka Afghanistan.
Kabul (Himilonetwork) – Inta la xaqiijiyay in ka badan 70 caruur ah ayaa ku dhimatay, weerar isniintii lagu qaaday xaflad qalin jabin ah oo ka dhaceysay School Qur’aanka lagu barto oo ku yaala degmada Dasht-e-Archi ee gobalka Kunduz ee wadanka Afganistan, sida ay marqaatiyaal u sheegeen TV-ga Aljazeera. Diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Afganistan ayaa la sheegay iney duqeynta fuliyeen. Afhayeenka wasaarada ...
Read More »