crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> London – Muslim toddobaadle u quudiya 300 oo darbi-jiif ah. | HimiloNetwork

London – Muslim toddobaadle u quudiya 300 oo darbi-jiif ah.

London (Himilonetwork) – Berri waa Khamiis. Sidaas awgeed, Naeem Qureshi, wuxuu ku jiraa diyaarinta cuntadii uu siin lahaa kumaankun darbi-jiifta ah ee ku sugan London.
“Waxaan aragnay dad badan oo hunguri aan heysan, marka aniga iyo cunugayga waxaan ka wada hadalnay inaan wax ka qabano. Waana markaas kolkii aan shaqadan guda-galnay,” ayuu yiri. “Shan bilood ayaa hadda laga joogaa taniyo markaas. Dadka ku nool halkan aad bay hadda ugu faraxsan yihiin.”
Naeem waa milkiilaha iska leh Chicken Spot taas oo toddobaadle u quudisa ku dhawaad 300 oo dibjir ah.
Heather oo kamid ah dibjirta ayaana og baahida ay u qabaan tallaabadan samafalka ah. Wuxuuna ku qeexay mid rajo u taagan.
Dadka xaafadda kula nool ayaa si samafal ah wixii cunno ah ugu soo qaada si ay wadajir ugu qeybiyaan dibjirta ku sugan jidadka bariga magaalada London.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!