crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wasiir ku baaqay in WhatsApp la iskugu sheego Aadaanka Salaadaha. | HimiloNetwork

Wasiir ku baaqay in WhatsApp la iskugu sheego Aadaanka Salaadaha.

Accra (Himilonetwork) – Wasiirka kamid ah wasiirrada dalka Ghana ayaa ugu yeeray Muslimiinta ku nool gudaha waddankiisa inay aadaanka codaysan ee codbaahiyaha laga yeeriyo ay ku bedelaan farriimaha gaagaaban ee la iskugu diro WhatsApp-ka – dhawaaq in badan ay ku tilmaameen mid laga xumaado.
“Wax dhib ah kuma qabo aadaanka Muslimiintu ay iskugu yeeraan salaadaha, waayo Kirishtaankuba waxay adeegsadaan codbaahiyaha marka ay kulmayaan maalmahooda,” ayuu yiri Nora Nsiah, oo ah Muslim ku sugan magaalada caasimadda ah ee Accra.
Soo-jeedintan waxaa sameeyey wasiirka degaanka Ghana, Kwabena Frimpong-Boateng – isaga oo qeyb ka ah qorshaha lagu dhimayo buuqa hawada furan ‘noise pollution’.
Wuxuu Muslimiinta ugu yeeray inay isticmaalaan WhatsApp marka laga gaaro Aadaanka salaadaha – halkii ay isugu sheegi lahaayeen codbaahiyaha.
Ma ahan Muslimiinta oo kaliya kuwa ka biya-diiday dhawaqan. Xittaa muwaadiniinta aan Muslimiinta ahayn sida Kevin Pratt, oo ku sugan Accra ayaa ku tilmaamay mid sirgaxan.
“Qof kasta ma ahan mid yaqaan sida farriimaha la iskugu sheego baraha bulshada, qof kastana maheli karo adeegga casriga ah ee moobillada.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!