Muqdisho (Himilonetwork) – Diyaarad laga leeyahay Shiinaha ayaa sameysay degitaanka degdeg ah kaddib markii mid kamid ah rakaabka diyaaradda uu garba-duub ku qabsaday haweeney kamid ah shaqaalaha.
Muuqaal laga soo duubay ayaa muujiyay ninkan oo qalin dhuunta uga haya haweeneydan kamid ah shaqaalaha diyaaradda oo fadhisa – isaguna uu gadaal dhuunta uga dhegan yahay.
Duullimaadka ayaa u kala safrayay magaalooyinka Changsha iyo Beijing ee gobalka Henen.
Saraakiisha booliska ayaa ku sugayay gegida diyaaradaha si ay falkan wax uga qabtaan – una badbaadiyaan haweeneydan xoogga lagu qabsaday.
Ninka oo la ogaaday inuu yahay 41-jir lagu magacaabo Mr. Xu ayaa markii ay diyaaraddu degtay waxaa la isku dayay in lala xaajoodo, balse markii uu ku gacan-seyray waxaa looga fujiyay gabadha si xeeladeysan.
Waxaa la tuhmayaa in ninkani qabo xanuun dhinaca maskaxda ah.