crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 46

Dunida Muslimka

Tartan – Masjid Lacag guddoonsiinaya Carruurta Salaadda Subax Jamaacada la tukata!

Muqdisho (Himilonetwork) – Masjid ku yaalla gobalka Al-Beheira ee dalka Masar ayaa ku dhawaaqay tartan lagu dhiirri-gelinayo carruurta inay salaadda Subax kusoo tukadaan masjidka si ay ugu guuleystaan lacag dhan LE 1000 ($55) muddo 40 maalmood ah oo xiriir ah. “Waa fikrad fiican oo dhiirri-gelinaysa ubadkeenna inay ku tixmaan kusoo tukashada salaadda Subax masaajidda,” ayuu yiri Mona Ahmed, oo kamid ah daganayaasha Damanhour, Al-Beheira. ...

Read More »

Kirklar – Masjid soo jiita Indhaha Dalxiisayaasha Turkiga yimaada.

Ankara (Himilonetwork) – Isaga oo dhaca masaafo oogada sare ee badda u jirta 3200 meter, Masjidka Cirifkore ee ku yaalla waqooyiga gobalka Black Sea ee dalka Turkiga, wuxuu soo jiitaa indhaha dal-xiisayaal badan kuwaas oo jecel inay meel dheer ka jeedaaliyaan oogada dhulka. Dadka gudaha waxay Masjidkan ugu yeeraan Kirklar. Wuxuuna u dhaxeeya gobollada Bayburt iyo Trabzon. Waxaana uu soo jiidasho u noqday ...

Read More »

Xujeyda Induniisiya oo loo sameeyey Application u sahlaya gudasha Xajka.

Jakarta (Himilonetwork) – Wasaaradda Amuuraha Diinta ee dalka Induniisiya ayaa Xujeyda usoo saartay application cusub oo la yiraahdo Tech-savvy kaas oo fududeynaya habka ugu fudud ee Xaajigu ku gaari karo arrimihiisa inta uu ku sugan yahay magaalada Makka. “Waxaa ku sugan xog muhiim ah oo waliba aad loo faaf-faahiyay,” ayuu u sheegay Arab News, Mastuki oo ah af-hayeenka Wasaaradda. Xujeyda ayaa application-kani ...

Read More »

Madax-weyne Buhari oo Abaal-gud guddoonsiiyay Imam Magan-gelyo siiyay Masiixiyiin badan.

Muqdisho (Himilonetwork) – Madax-weynaha dalka Nigeria,  Muhammadu Buhari ayaa Xaruntiisa ka casuumay 83 jir geesi Imam masjidka ah oo lagu magacaabo Abdullahi Abubakar – lana wadaagay salaan sharafeed kaddibna guddoonsiiyay Abaalmarinta Qaran ee dalka Nigeria. Go’aanka waxaa la gaaray markii saxaafadda dalkaasi ay daaha uga rogtay sida Imaam Abdullahi uu u magan-geliyay 300 oo Masiixiyiin ah markii weerar lagu soo qaaday ...

Read More »

Cadaadiska Muslimiinta Shiinaha oo gaaray in Xajka lagu kormeero.

Beijing (Himilonetwork) – Cadaadiska lagu hayo Muslimiinta Shiinaha ayaa gaaray heer Xujeyda sannadka gudanaysa acmaasha Xajka lagu qabso inay horay usii qaataan aalad dowladda u sahlaysa inay ogaato halka ay ku sugan yihiin inta lagu guda-jiro maalmaha barakaysan ee Xajka taas oo ah tallaabo ay aad uga hor yimaadeen qolyaha u dooda Xuquuqda Aadanaha. “Tani waa tallaab kale oo lagu ...

Read More »

200 oo Xaafidul-Qur’an ah oo ka baxay Jaamacadda Bayero.

Lagos (Himilonetwork) – Ku dhawaad 200 oo xaafidul-Qur’an ah ayaa ka qalin-jebiyay Jaamacadda  Bayero University Kano maalintii Sabtida ee lasoo dhaafay. “Heysashada shahaadooyinka qalin-jebintooda, hadda waxay xittaa Qur’anka ka dhigi karaan Sucuudiga, dunida Carabta iyo caalamka oo dhan,” ayuu yiri Dr. Muhammad Babangida, oo ah agaasimaha xarunta barashada diinta ee Jaamacadda. Babangida ayaa intaas kusii daray in ardaydani ay Qur’anku kula dhinac ...

Read More »

Sucuudiga oo furaysa Xarunta ugu weyn Cunnooyinka Xalaasha.

Jeddah (Himilonetwork) – Waaxda Hubinta Daawada iyo Cunnooyinka Dalka Sucuudiga ee (SFDA) ayaa ku dhawaaqday qorshe u muuqda xaruntii ugu weyneyd ee soo saarta cunnooyinka iyo agabyada xalaasha ah. “Qorshuhu waa in sare loo dhigaa wax-soo-saarka xalaasha ah ee KSA si loogu baahiyo dunida Muslimka ah loona dhiirri-geliyo horumarinta dhaqaalahooda,” ayaa u dhignaa nuxur kasoo baxay Waaxda. Howl-fuliyaha guud ee ururka, Hisham ...

Read More »

Malaysia oo Dhagoollada u sahlaysa barashada Qur’anka Kariimka.

Kuala Lampur (Himilonetwork) – Koox cilmi-baarayaal ah oo kamid ah Jaamacadda Islaamiga ah  ee University Sains Islam Malaysia (USIM) waxay horumarinayaan software loogu sahlayo dadka dhagaha la’ inay ku bartaan Qur’anka. “Dadka aan inta badan helin nimcada maqalka ee dhagoollada ah waxay ku haraan aqoon la’aan,” ayuu yiri Norakyairee Mohd Raus, oo madax ka ah Ibnu Ummi Maktum (UMMI). Wuxuu intaas kusii daray ...

Read More »

Guur-wadareedkii ugu weynaa Qaaradda Yurub oo lagu qabtay Bosnia.

Sarajevo (Himilonetwork) – Lamaanayaal lixdan gaaraya ayaa xaflad si wadajir ah loogu dhigay arooskooda gudaha dalka Bosnia Herzegovina oo ah guur-wadareedkii ugu weynaa ee laga dhigo qaaradda Yurub. Xafladda waxaa soo agaasimay hoggaanka Muslimiinta Bosnia si dhalinyarada loogu dhiirri-geliyo nolosha mas’uulnimo ee qoysaska, sida ay soo xigatay BBC-da. Dalka Balkan-ka wuxuu leeyahay  mid kamid ah dhalinyarada ugu shaqo la’aanta badan ...

Read More »

Dembele oo Masaajidka ka dhisaya dalka Mauritania.

Muqdisho (Himilonetwork) – Laacibka kooxda Barcelona oo dhawaan xulkiisa Fransiiska kula guuleystay ciyaaraha koobka adduunka, Ousmane Dembélé, ayaa qorsheynaya inuu masjid ka dhiso dalka ay asal ahaan hooyadiis kasoo jeedo ee Mauritania. Marka loo eego ‘Koora’ website, Dembele ayaa qorsheynaya inuu masjid ka dhiso degmada uu kasoo jeedo ee koofurta Mauritania. Hooyadiis waa Senegalese Mauritanian ah; aabihiisna wuxuu kasoo jeedaa dalka Mali. Xulka ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!