MUQDISHO (HN) — Geed keligii-noole ahaa oo bartamaha haro biyood ku dhex yaal ayaa hadda laga cabsi qabaa inuu soo jabo madaama dad badan ay hadda u aadaan inay kusoo galaan sawirro selfi ah.
Koh Khai Hua Roh ayaa loo yaqaan. Sababtuna waa inuu la tilmaan eg yahay sheekada wiil iyo gabar jaceyl wadaag ahaa oo hadda kahor ku dhex go’doomay badda gunteeda.
Sawirrada la iskaga qaado geedkan ayaa ku baahay baraha bulshada, waxaana ay taasi keentay in in kale oo dalxiisayaal ah ay jeclaadaan inay kalkooda sawirro kusoo galaan. Aad bayna tallaabtaas u waxyeeleysay geedka. Laamo badan oo geedku lahaa ayaa laga jaray. Jiridda geedkana waxay u muuqataa mid gurmaysa. Dalxiisayaashuna ma oga dhibta baaxadda leh oo ay geysanayaan.




You must log in to post a comment.