crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Atariisho Hindi ah oo Islaamtay. | HimiloNetwork

Atariisho Hindi ah oo Islaamtay.

Delhi (Himilonetwork) – Atariishada shaashadaha Hindiya, Dipika Kakar, oo diinta Islaamka kusoo biirtay kahor inta aysan guursan atooraha  Shoaib Ibrahim, ayaa sheegtay inay ku faaneyso inay tahay Muslimad.
“Wuxuu ahaa go’aan aniga iga wada yimid. Ma ahan mid ka yimid meel kale. Mana ahan wax laga hadlo in badan,” ayay Kakar u sheegtay warbaahinta.
Gabadhan ayaa Islaamka qaadatay bilowgii sannadkan markii uu guursaday atooraha ay la jishay filimka Susral Simar Ka.
Kakar ma ahan atariishadii ugu horreysay oo qaadata Islaamka.
Sannadkii 2014-ka, atariishada la yiraahdo Monica ayaa Islaamka kusoo biirtay: iyada oo xiratay xijaabka: kana tagtay shirkadda aflaamta.
Muslimiinta Hindiya ayaa dalka Hinduuga u badan waxay ka yihiin in ka badan 180 milyan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!