MUQDISHO (HN) — Naadiga Aston Villa ayaa kusoo biirtay kooxaha horyaalka EPL ee afur-wadareed u sameynaya maalin kamid ah maalmaha bisha Soonqaad Muslimiinta. Waxaana ay sheegtay in 5 bisha April ay xaflad afur ugu sameynayaan saaxiibadooda iyo howlwadeennadooda Muslimiinta ah gudaha garoonka Villa Park.
Waxay kooxdu sheegtay inay barnaamijkeeda la kaashan doonto Ramadan Tent Project oo ah urur samafal oo la dhisay sannadkii 2013-ka.
Tallaabadan ayay kooxdu ku sheegtay mid xoojinaysa wada-noolaanshaha iyo xasiloonida bulshooyinka.
Kooxaha Chelsea, Queen’s Park Rangers iyo Brighton & Hove Albion ayaa horay u qaaday tallaabtan iyaga oo casuumaad u sameynaya taageerayaashooda iyo shaqaalahooda Muslimiinta ah.
Waa markii ugu horreysay oo kooxda Aston Villa ay tallaabtan ku dhaqaaqdo.
You must log in to post a comment.