crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Aabbe gabadhiisa ‘madaxa ugu xiray kaamiro’ si uu xaaladdeeda ula socdo marwalba! | HimiloNetwork

Aabbe gabadhiisa ‘madaxa ugu xiray kaamiro’ si uu xaaladdeeda ula socdo marwalba!

MUQDISHO (HN) — Aabbe Pakistani ah oo sida la sheegay u baqaya bedqabka inantiisa ayaa madaxa gabadhiisa ku xiray kaamiro si uu dhaqdhaqaaqeeda ula socdo.

Ma jirto wax aabbe walba oo fiican uusan u sameyn karin ilmihiisa. Aabbahan Pakistaniga ahina waa tusaale dhawaangal ah. Wuxuu madaxa inantiisa ku xiray kaamiro uu sheegay inuu uga dan leeyahay inuu ku ogaado dhaqdhaqaaqeeda iyo tan ugu muhiimsan intaas oo dhan oo ah inuu hubsado inay bedqabto hadiyo jeer.

Warbaahinta oo la kulantay inanta iyada oo madaxa ku sidata kaamirada ayaa sheegtay inaysan rabitaankeeda ku saarin balse uu aabbaheed go’aansaday. Waxay sheegtay in wax culeys ah aysan ku qabin rabitaankeeda aabbaheed oo sida uu rabo ay amarkiisa u fulinayso!

Kaamirada oo marwalba oo ay guriga ka baxayso si fiican loo dabeeyo ayay xustay in sababta ka dambeysay ay tahay shil hadda kahor dhacay kaas oo si xun ay ugu dhimatay gabar gudaha magaalada Karachi. Aabbaheed oo ay u aragto inuu yahay ilaaliyaheeda dhabta ah, ayaa markaas usoo jeediyay fikraddan si uu tallaabadeeda ula socdo marwalba. Wayna ku raacday!

Waxaa kale oo arrintaas kusii xoojiyay jiritaanka falal amni-darro oo dumarka Karachi ka dhan ah oo mararka qaar lagula kaco!

In kasta oo si fudud kaamiradan looga dafi karo, haddana dad badan ayaa ku doodaya inay ugu yaraan digniin siinayso kuwa damca inay falal xun kula kacaan inantan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!