crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 40 qof oo Shahaadada loogu qabtay Afurka ka dhacay Dubai. | HimiloNetwork

40 qof oo Shahaadada loogu qabtay Afurka ka dhacay Dubai.

Dubai (Himilonetwork) – Afurka bisha Ramadaan ayaa fursad lagu qaato go’aanka bedelay noloshooda wuxuu u noqday dad gaaraya 40 qof kuwaas oo diinta Islaamka kusoo biiray.
Dhammaantood waxay mar qura Shahaadada ku hor iclaamiyeen xaflad afur oo ay soo qaban-qaabisay hey’adda Dubai Islamic Information Center  kana dhacday Xarunta Dar al Berri maalintii Arbacada.
Qaar badan oo kamid ah waxay muddo badan baadi-goobayeen xaqiiqada runta ah ee nolosha. Waxaana kamid ah Leylin oo ahaa Masiixi kasoo jeeda dalka Filibiin.
“Muddo badan ayaa aqrinayay Bible waxaana iiga soo baxay ismaan-dhaaf iyo kala durugsanaan, laakiin markii aan guda-galay barista diinta Islaamka waxaan ogaaday xaqiiqooyin badan oo ay kamid tahay in Nabi Ciise CS uu yahay mid Muslimiintu ay jecel yihiin kana mid ah Nabiyada Ilaaay arlada usoo dejiyay,” ayuu yiri isaga oo ka hadlayay safarkiisii dheeraa.
Xafladda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa walaalo Muslimiin ah oo kol hore soo galay Islaamka kuwaas oo culumada diinta kamid ah noqday.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay koox koox ay diinta usoo galaan umadaha aa Muslimiinta ahayn ee heysta diimaha kale. Waana mid kamid ah sababaha xad dhaafka ah ee qoyska Islaamku kaga tira-badatay diimaha kale ee dunida laga aamisan yahay.
Alxamdullillaah.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!